17- September-2023
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iDalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane,Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda, ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka xoogga iyo saxiibada Caalamka ay kawadaan degaannada,
Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle,halkaa uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo khawaarijta
Ciidanka qaran iyo geesiyaasha difaaca,Saxiibada caalamiga ah saacadihii u dambeeyay howgallo culus oo malatari ka fuliyeen qeybo kamid ah dalka,Waxayna kasoo hooyeen guulo waaweyn oo farxad galinaayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranimada iyo dolwanimada Soomaaliya waxweyn u ah maanta.
Arroortii hore ee saakay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Galmudug,Shacabka Galmudug u dhaqaaqeen iska xurreynta khawaarijta,waxayna howgalo guuleestay ka sameeyeen magaalooyinka, Bacaadweyn,Qeycad iyo Magaalooyin hoostaga magaalada Cammaara ee u dhaxeeya Cammaara iyo Qod-Qod.
Intii ay ku gudda jireen ciidamada howlgalada,waxay dagaal toos ah lagaleen khawaarijta,waxaana alle halkaa ku jabiyay khawaarijta,waxaana kasoo gaaray qasaare aad u weyn oo dhimmasho iyo dhaawac iyo Khawaarij farabadan oo nolasha looga qab-qabtay.
Waxaan hadda xor ah oo awood malatari looga xurreeyay khawaarijta Magaalooyinka: Bacaadweyn Qaycad Shabeelow Hinlibi,Gal-Xaraare,Hundoonyaale,Sardooq,Qodqod,Cammaara
Sidoo shalay waxaa jabweyn lagu gaarsiiyay degaanka Qod-Qod Saldhig muhiim u aheyd cadow oo ay geesiyaasha dalka ugu daayeen halkaa, Waxaana lagu dilay inta la’ogyahay 30 khawaarij ah,waxayna ugu carareeyn halkaa oo ay yaalaan.
Waxaa sidoo kale geesiyaasha dalka ka difaacaya khawaarijta u suuragashay inay halkaas ku gubbaan Afar gaari,waxayna gacanta ugu dhiggeen laba Gaari oo nuuca dagaalka ah.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale boggaadiyay guulaha waweyn oo ay soo hoyeen geesiyaasha Ciidanka Xoogga iyo kuwa degaanka,islamarkaana ay sii socon doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.