3- July -2023
Gaas & Cumar C/rashiid oo Garoowe u tagay ka qeybqaadashada xal u raadinta xiisada Dani iyo Mucaaradka iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay xabadjoojinta odoyaasha dhaqanka ay garwadeenka la ahaayeen uu maamulka siciid dani qaaday taalbooyin dib u soon nooleeyn Marta gacan la hadalka
Cabdiweli Gaas, madaxweynihii hore ee Puntland iyo Ra’iisulwasaare hore Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa gaaray magaalada Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay
Hadal kooban oo ay saxaafada siiyeen Waxa ay ku sheegeen inay doonayaan inay xalka arrimaha taagan qeyb ka noqdaan, si dagaal kale uusan uga dhicin caasimada Puntland
Gaas oo la aaminsan yahay in uu musharax u yahay doorasho ku dhacda sidii uu xilka ku wareejiyey, ayaa sheegay iney u yimaadeen Badbaadinta Puntland.
Cumar C/rashiid & Cabdiweli Gaas ayaa sidan oo kale kal hore u tagey Boosaaso December 2021, si looga baaqsado dagaalo dhaca, balse taas ayay ku guuldareysteen in ay xal wada jir ah ka gaaraan, iyadoo la aaminsan yahay in ay darafyada la kala safteen.
Si kastaba, Magaalada Garoowe, ee caasimadda maamulka Puntland, waxaa ku sii qulqulaya siyaasiin iyo madax dhaqameed ujeedkoodu uu yahay xal u helidda gacan ka hadalkii dhawaan Garoowe ka dhacay, kaasoo galaaftay nolosha dad gaaraya 30 ruux.