February ” 5″ 2021
Iyadoo Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu soo saaray qoraal Xildhibaanada lagu war galiyay in berri uu jiro kulan gaar ah oo ay Xildhibaanadu yeelan doona, uuna hor imaan doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saaray Guddoonka Aqalka sare.
Qoraal kasoo baxay Aqalka sare Dowladda Federaalka in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha
“Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare.