Author: boodhari

Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaradihii aadi jiray gobokada dalka
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaradihii aadi jiray gobokada dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa manata joojisay duulimaadyadii aadi jiray gobokada dalka Soomaaliya, iyadoo garoonka Aden Cadde ay buux dhaafiyeen boqolaal shacab ah oo gobokada dalka u safri lahaa. Talaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii diyaaradaha iska diideen iney u safraan deegaanka Raaskambooni, iyagoo qaatay hanjabaadii Jubaland ee eheyd iney beegsan doonaan diyaaradii ka dagto garoonka Raaskanbooni oo aag dagaal isu rogay. Xiisada Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa marba marka kasiu danbeysa cirka sii galeyso, iyadoo aan muuqan wax wada xaajood ah oo arrintan laga galay.
DF oo digniin culus kasoo saartay arrin Itoobiya ay ka wado gobolka Gedo
WARARKA

DF oo digniin culus kasoo saartay arrin Itoobiya ay ka wado gobolka Gedo

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaqa ay Itoobiya ka wado gobolka Gedo, kaas oo ay ku tilmaamtay “fara-gelin qaawan iyo mid la iskaga horkeenayo beelaha degan gobolkaas”. Dowladda ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyinka guracan ee dowladda Itoobiya ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, taas oo ay sheegtay inay qeyb ka tahay fara-gelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya. “Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo ciidamada qalabka sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Soomaaliya. Dowladda aya...
Somalia oo Belgrade uga  ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.
WARARKA

Somalia oo Belgrade uga ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa kasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Afrika ah oo Somalia ay ku jirto iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaaradda Afrika oo dhisan in ka badan 100 sano. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo ka soo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa. Fursada ayaa ah mid looga gol leeyahay faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda...
Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guulaysatay kursiga dumarka IGAD ee loo tartamay
WARARKA

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guulaysatay kursiga dumarka IGAD ee loo tartamay

Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ee loosoo gaabiyo (IWPSF) ka dib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya. Doorashada ayaa dhacday maalinnimadii arbacada ee ay bishu ku beegneyd 4-ta Diseembar. Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan ka dib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan. Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn noqotay kuxigeenka ururka ka dib is casilaaddeedii. Sacdiya Maxamed Nuur oo BBC-da la hadashay ayaa sharraxday sida ay ugu suura gashay hanashada kursigan iyo waxa ay ku muteyst...
Itoobiya oo soo dhoweysay dadaallada dhex-dhexaadinta ee Kenya iyo Uganda
WARARKA

Itoobiya oo soo dhoweysay dadaallada dhex-dhexaadinta ee Kenya iyo Uganda

Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya ayaa arrintan dhowaan ka sheegay shir madaxeedka dalalka EAC ee Arusha. Hase yeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland. Maxaa sababay dabacsanaanta ay muujisay Itoobiya? Ka mid noqshada Howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa laga saaray Itoobiya Iyadoo dagaaka diblomaasiyadeed ee ay qaaday dowlada Somalia uu noqoday mid xaqiijiyay go,aanka ilaalinta gobonimada Soomaaliya Walaaca beesha caalamku ka qabto Xasiloonidaro baahsan oo ka Abuuranta geeska Afrika ayaa sii xoogaysanayay tan iyo Iskudeygii Adisababa ay ku dooneeysay inay ku qaadato ...
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno ay kamid yihiin Aminga
WARARKA

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno ay kamid yihiin Aminga

Muqdisho, Khamiis, 05 Diseembar 2024 : - Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran. Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas. Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbi...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed ah laga soo celiyay dalka Liibiya.
WORLD

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed ah laga soo celiyay dalka Liibiya.

Muqdisho, Soomaaliya – Diseembar 5, 2024. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR). Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa balka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go...
Waalidii kubbadda cagta ee bartamaha usbuuca ayaa ku soo noqday Premier League+
SPORTS, WARARKA

Waalidii kubbadda cagta ee bartamaha usbuuca ayaa ku soo noqday Premier League+

Arsenal ayaa labo gool oo koorno ah ka heshay Manchester United iyadoo Ruben Amorim uu la kulmay guuldaradii ugu horeysay ee kubada cagta England. Daafacyada Jurrien Timber iyo William Saliba ayaa dhaawaca soo gaadhay iyada oo Arsenal ka faa’iidaysanaysa in ay Liverpool dhibco lumiso si ay u jarto hogaanka horyaalka Premier League. Arsenal ayaa fadhisa kaalinta saddexaad iyadoo leh 28 dhibcood, waxayna la siman tahay Chelsea, halka 7 dhibcood ay ka hooseeyaan Arne Slot's Reds. Kooxda martida loo ahaa ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 53aad markii koornadii Declan Rice uu madax ku dhaliyay birta u dhow ee Timber. Manchester City ayaa soo afjartay 7 kulan oo xidhiidh ah oo guul la'aan ah oo ay ku garaacday Nottingham Forest. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ...
Maxaad ka taqaanaa xaafadda Kalluunka ee doodda dhalisay ee laga rarayo dadka shacabka ah?
WARARKA

Maxaad ka taqaanaa xaafadda Kalluunka ee doodda dhalisay ee laga rarayo dadka shacabka ah?

Dadka ayaa siyaabo kala duwan u arka tallaabo dad shacab ah looga rarayo xaafadda Kalluunka oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii la sheegay in dadkaas horey loo siiyay ogeysiis ku saabsan ina y halkaas iskaga guuraan. Dadka qaarkood ayaa sheegaya in aaney haysan meel ay aadaan dowladduna aanay dhul kale siin oo ay deggaan. Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in ay in xoogg uga rarto dadkii deganaa guryihii deegaanka ahaa ee Wasaaradda Kalluunka ee ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho , halkaas oo dadka guryahaasi deggan ay muddoo dheer deganayeen, ciidamo ka socdo kuwa dowladda ayaa tagtay xaafadda Kalluulnka ee magaalada Muqdisho waxaana lagu amray in ay halkaas iskaga guuraan . Waxaa jirtay warqad horrey ugasoo baxday Wasaaradda...
Namibia elects Nandi-Ndaitwah as country’s first woman president
WORLD

Namibia elects Nandi-Ndaitwah as country’s first woman president

Netumbo Nandi-Ndaitwah, 72, won with 57 percent of the vote, flouting predictions that she might be forced into a run-off. Netumbo Nandi-Ndaitwah has been elected Namibia’s president and will be the country’s first female leader, results released by the country’s electoral commission show. The 72-year-old won with 57 percent of the vote, according to official results declared on Tuesday by the electoral commission, flouting predictions that she might be forced into a run-off “The Namibian nation has voted for peace and stability,” Nandi-Ndaitwah said after being declared president-elect. Her win cements her governing South West Africa People’s Organisation (SWAPO) party’s 34-year hold on power since independence from apartheid South Africa in 1990 – a contested outcom...