Axmed Madoobe oo Farmaajo ku eedeeyay Weerarkii lagu qaaday Guddoomiye Dhaban Cad

26″April” 2022″ kismaayo

Axmed Madoobe oo Nasiib daro ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday guddoomiye Dhabancad

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa nasiib daro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka oo ay u danbaysay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya

Axmed madoobe ayaa yiri masuuliyada dhibaatadaas waxaa qaadaya sarakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Cambaareeyay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS.

犀利士 Axmed Madoobe oo Farmaajo ku eedeeyay Weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka

Qoraal ka soo baxay Madatooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dambeeyay Madaxweyne Farmaajo.

“Saraakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya, waa lala xisaabsami doona” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

Radio Kulmiye

Leave a Reply