25″ December “2022
SOMALIA MARKASTA WAXAA TAAGAN LOOLAN U DHAXEEY DIMUQORAADIYADA & DICTATORIYADA
Iskudaygii mudo kororsigii farmaajo 12kii April 2020 kii oo ay riixayeen mursal iyo baarlamaankii hore waxa ay banaanka keentay kartidii ,dulqaadkii iyo Xeeladii istaraatijiyada habeeysan lahayd ee Raysilwasaarihii hore ee Somalia Maxamed xusen rooble kaas oo dalka siraad koriyay in uu madaxa la galao masiibo colaad oo burburisa hayaankii dowladnimada iyo dimuqoraadiyadii curdunka ahayd ee a yagleelay ka dib burburkii dowladii kacaanka
Inkastoo mudo kooban ay Muqdisho Ku dhex jirtay shaqaaqooyin dhiig badan ku daatay hadana Raysilwasaare rooble waxa uu qaatay go,aan geesinimo leh oo uu ku dhawaaqay markii uu qabtay shir jaraa,id Isaga ooy dhinac taagan yihiin Madax-goboleeydyada Galmudug iyo Hirshabeele waxa uu laalay mudo kororsigii farmaajo waxaana dhaxda u xirtay in uu dalka u kaxeeyo doorasho dib u dhac badan la kulantay oo ugu danbeeyntii uu ku soo baxay madaxweyne xasan shiiq
Cid-taageerta go,aankaas waxaa ugu danbeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee k/galbeed c/casiis lafta gareen oo hada xudun u ah xiisada ka alloosan magaalada baydhaba
Laftagareen ayaa Koonfur Galbeed horay uga lagu keenay doorasho in la xiray musharaxii la tartamayay ee Muqtar rooboow cali oo hada ah wasiirka diinta xukuumada fadaraalka Somalia iyadoo mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay xariga muqtaar rooboow ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo in dalka laga ceyriyo ergaygii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa Somalia
Tan iyo markii ay soo ifbaxeen Is-diidanka u dhaxeeya dalabaadka doorasho qabsoonta Iyo Mudo kororsiga, Koonfur galbeed Waxa at wajaheeysaa Khalalaasaha iyadoo ay jirto duruufo qalafsan oo ka sii daraya ooy ku jirto abaaraha dadka deeganadaas halkeeyay
Codka aan la dhageeysan ee Aqoonyahaynada koonfurgalbeed waxa uu ka digayaa in colaadu ay uga sii dari doonto xalada bani,aadantimo ee dadka k/ galbeed oo dhadhamiyay dhibaatada abaarta iyo mid argagixisadu ay ku heeyso deegaanada,iyadoo magaalada baydhaba ay tahay犀利士 magaalada 2aad ee Somalia Marka laga yimaado Muqdisho ee ugu badan yihiin dadka barakacayaasha ah