Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland.

Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen.

Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeedaaaba dhibaato ah hooyada ka barakacday meel xittaa dib u baxda waa dhibaato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”.

Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawaley, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawacyada la geeyay Hargeysa.

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.