WARARKA

Madaxweynaha JFS oo farriin culus u diray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe
WARARKA

Madaxweynaha JFS oo farriin culus u diray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Munaasabadda xalay ka qabsoomtay Madaxtooyadda taas oo madaxweynaha qaranku ku maamuusay Xildhibaanada laba aqal ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hogg...
Soomaaliya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi hoose oo Itoobiyan ah iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda labadaba dal
WARARKA

Soomaaliya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi hoose oo Itoobiyan ah iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda labadaba dal

Soomaaliya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi hoose oo Itoobiyan ah iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda labadaba dal ee salka ku haysa xadgudubkii Adisababa ay ku sameeysay madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia Go’aankan oo loo sii marinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa ka tarjumaysa sida ay Soomaaliya u sheeganayso madax-banaanideeda, waxayna muujinaysaa in uu sare u sii kacayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee Geeska Afrika. Wasaaraddu waxay soo xigatay “hawlaha ka hor imaanaya mabaadi’da hab-dhaqanka diblomaasiyadeed” sababta ka dambeysay cayrinta, inkastoo aan si gaar ah loogu faah faahin bayaanka rasmiga ah. Dhacdadan dublamaasiyadeed ayaa ku soo beegantay xilli siyaasadda gobolka ay si gaar ah u kacsan tahay. Kormeerayaashu waxay xuse...
Raysilwasaare Xamsa Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada Iyo Xaaladaha Degdegga Ah
WARARKA

Raysilwasaare Xamsa Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada Iyo Xaaladaha Degdegga Ah

Muhiimad intee la’eg ayay leedahay xarunta uu maanta xarigga ka jaray R/W Xamza? Muqdisho, 29 Octoobar, 2024: — Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go'an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka. Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaal...
NISA oo gacanta ku dhigtay nin Shabaab ah oo dil u gaysan rabay…
WARARKA

NISA oo gacanta ku dhigtay nin Shabaab ah oo dil u gaysan rabay…

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ka sameeyeen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay nin ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la qabtay uu doonayay inuu dilo ganacsade ku sugnaa gudaha suuqa, isla markaana laga shakiyay dhaq-dhaqaaqiisa. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. NISA sidoo kale waxa ay sheegtay in ninka la qabtay uu kamid ahaa shabakad dilal ka gaysatay caasimada, ayna ku raad joogeen ciidamada ammaanka, sidaasna lagu soo qabtay. “Shaqsiga ...
28 jirka khadka dhexe ee Man City iyo Spain Rodri ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or e
SPORTS, WARARKA

28 jirka khadka dhexe ee Man City iyo Spain Rodri ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or e

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka Spain Rodri ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee ragga – oo la guddoonsiiyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadka. 28-sano jirkaan, oo hal kulan laga badiyay xilli ciyaareedkii hore isaga oo u ciyaaraya koox iyo wadan, ayaa abaalmarinta lagu guddoonsiiyay Paris ka dib markii uu ka caawiyay Spain ku guuleysiga Euro 2024 bishii Luulyo. Waxa uu sidoo kale City kula guuleystay Premier League, Uefa Super Cup iyo Club World Cup. Rodri oo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda kooxda ee ku guulaysta abaal marinta Ballon d’Or ayaa abaal marintan kaga hormaray garabka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Vinicius Jr. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham ayaa galay kaalint...
Somalia Oo Jarmalka kala Hadashay Xadgudubka Itoobiya
WARARKA

Somalia Oo Jarmalka kala Hadashay Xadgudubka Itoobiya

R/wasaare Xamza oo ergeyga Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika kala Hadlay Garadarada Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka. Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026. Ra’iisul Wasaa...
Daawo:Maxay Tahay Hal Arin ee Sheekh Shariif uu Ku Dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh?
WARARKA

Daawo:Maxay Tahay Hal Arin ee Sheekh Shariif uu Ku Dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta jeediyey khudbad uu ku weeraray nidaamka uu Madxaweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalku uu ku socdo ‘waddo aan toosneyn’ isla markaana toosintiisa ay masuuliyad ka saaran tahay xisbiyada siyaasadda dalka. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku mashquulsan tahay inay bedesho dastuurkii umadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay. “Waddo qaloocan oo talo aan la isku darsa karin oo dastuurkii dalka ee umadda meel la iska dhigay ayaa hadda dalka lagu hoggaaminayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Shariifka ayaa toos ugu dhaliilay Xasan Sheekh inuu diiday inuu talo ka qaato saamileyda siyaasadda, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta...
Somali ,Kikuyu iyo Oromo ayaa ka mid noqonaya luuqadaha asaliga ah ee Afrikaanka ee hadda laga heli karo Google Search and Translate
BUSINESS, WARARKA

Somali ,Kikuyu iyo Oromo ayaa ka mid noqonaya luuqadaha asaliga ah ee Afrikaanka ee hadda laga heli karo Google Search and Translate

Somali ,Kikuyu iyo Oromo ayaa ka mid noqonaya luuqadaha asaliga ah ee Afrikaanka ee hadda laga heli karo Google Search and Translate iyada oo shirkadda weyn ee teknoolojiyadda ay ku dhawaaqday inay kordhinayso diiradda helitaanka tignoolajiyada qaaradda. Shirkada Google ayaa ku dhawaaqday 15 luqadood oo Afrikaan ah oo dheeri ah oo lagu kordhinayo madasha tarjumaad taasoo ku xiraysa in ka badan 300 milyan oo Afrikaan ah adeeggan, oo guud ahaan noqon kara 25 luqadood oo qaaradda ah sida uu goor dhaweyd shaaca ka qaaday maamulaha shirkada Google Afrika Alex okosi "Maanta, waxaan ku dhawaaqnay inaan bilownay soo bandhigista 15 luqadood oo Afrikaan ah oo ku baahsan Raadinta Codka, ku-hadal-nooca Gboard iyo Google Translate ayuu yiri okosi oo sheegay in Tignoolajiyada codka ayaa awood siin...
Howlgallo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay iyo GEDO
WARARKA

Howlgallo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay iyo GEDO

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Gedo. Ciidamada, oo ka hawlgalay dhowr jiho, ayaa sheegay in ay fuliyeen weerarro qorsheysan oo lagu beegsaday goobo muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, halkaas oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayeen. Howlgalkan, oo ay hoggaaminayaan saraakiisha sare ee CXDS, ayaa qeyb ka ah dadaallo joogto ah oo la doonayo in looga sifeeyo Al-Shabaab deegaannada ay weli ku sugnaayeen ee gobolladan. Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee CXDS, L/X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey), ayaa warbaahinta la wadaagay in howlgalladu yihiin kuwo si xeel dheer loo qorsheeyay oo looga gol leeyahay in Al-Shabaab lagaga xoreeyo guud aha...
18 Jir Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka iyo dad laga shakisan yahay oo Aaskiisa lagu arkay
WARARKA

18 Jir Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka iyo dad laga shakisan yahay oo Aaskiisa lagu arkay

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa Axaddii shalay goobjoog ka noqotay aas loogu sameeyay Maxamed Cabdiraxman oo ahaa wiil Soomaali ah, 18 jir, kaas oo Jimcihii lagu toogtay magaalada. Maxamed, oo la sheegay in uu ku sugnaa goob u dhow meel uu badanaa ku ciyaari jiray kubadda koleyga (Basketball), ayaa waxaa dilkiisa la xiriiriyay kooxo hubeysan oo ku wajahnaa dhinaca bari ee magaalada, halkaas oo dilka uu si gaar ah uga dhacay. Sida laga soo xigtay warar lagu kalsoon yahay, kooxo looga shakisan yahay inay dilka wiilkaasi ku lug lahaayeen ayaa lagu arkay qabuuraha xilligii aaska, taas oo abuuray cabsi iyo qalqal ku yimid dadkii ka qaybgalay tacsida. Walaaca ayaa cirka isku shareeray markii qaar kamid ah dhalinyaradii goobta joogtay ay isku fara saareen goobtii aaska, iyagoo ...