WARARKA

Furitaanka Kal-Fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo furmay
WARARKA

Furitaanka Kal-Fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo furmay

Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha DawladGoboleedka  Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor,  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Maxamed Maxamuud  Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah laba Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha,  Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland...
Daawo; Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023
WARARKA

Daawo; Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023. waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan ,saddex xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin. Xisaab Xirka ayaa waxaa kasoo wadashaqeeyay Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Labada Aqa lee Jamhuuriiyadda Federaalka Soomaaliya. Guddiga ayaa warbaxin ku aaddan Xisaab xirka laga dhegeystay ka hor intaan la ansixin.
Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Soo dhaweynta Markabka ORUC REIS
WARARKA

Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Soo dhaweynta Markabka ORUC REIS

Daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya Somalia ayaa hada ka bilaabmay Dakadda weeyn ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda soo dhaweynta markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday dekedda weyne ee magaalada Muqdisho, wuxuuna fariin xasaasi ah u diray dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa aad ugu canaantay dadka Soomaaliyeed is cuuryaaminta dhexdooda ah, isagoo kula taliyey in wax badan laga bedelo hab-dhaqankaan. “Soomaaliyey walaalayaal kheyraad waan heysanaa, fursadna waan heysanaa ee anagaa isku fadhinee aan iska kacno, adduunyadu sida ay u nooshahay aan u noolaano,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa qiray in dhibaato ay ka imaan karto shidaalka markii la qado, hadii...
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan maanta si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga.”
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan maanta si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga.”

Muqdisho Jimce, 25 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.” Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo...
Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa Dakadda Muqdisho kaga qeybgalaya Munaasabada Soo dhaweenya Markabka ORUC REIS
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dakadda Muqdisho kaga qeybgalaya Munaasabada Soo dhaweenya Markabka ORUC REIS

SOMALIA oo wax badan sugeeysay Inay aragto soo saarista shidaalka dalkeeda ayaa haatan waxay cagta la heshay wadada horumarka Daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya Somalia ayaa hada ka bilaabmay Dakadda weeyn ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Somalia Dr: Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qeybgalaya Munaasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho oo lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo maalmaha soo socda bilaabaya sahminta shidaalka Somalia Madax ka tirsan dowladaha Somalia iyo Turkiga ayaa ka qeybgalayxafalada soo dhaweynta Markabka ORUC REIS oo saakay ku soo xirtay Dakadda Muqdisho. Somalia Iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay xiriir iskaashi dhaqaale oo labada dal;” ah iyadoo Markabka Oruç Reis uu Soomaaliya ka fulin doono baaritaan (3D seismic) oo saddex aag ah kana kooba...
Wasiirka tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho xilli  Markabka Oruc uu soo gaaray Biyaha Somalia
WARARKA

Wasiirka tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho xilli Markabka Oruc uu soo gaaray Biyaha Somalia

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaalka sahminaya ee Oruç Reis, kaasi oo saaka ku soo xirtay dekedda Muqdisho Wasiirka batroolka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal;” ayuu yiri wasiirka batroolka. ...
Guddoomiyaha ganacsatada Islii: Gabdhaha deggan xaafadda waa inay ka taxadaraan raacidda mootooyinka
WARARKA

Guddoomiyaha ganacsatada Islii: Gabdhaha deggan xaafadda waa inay ka taxadaraan raacidda mootooyinka

Suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa maanta xiran, iyadoo ganacsatada iyo dadweynuhu ay dhigeen dibadbax looga ashkatoonayo dil loo gaystay saddex haween oo Soomaali ah oo maydadkooda la soo dhigay xaafado kala duwan. Goobaha laga dukaamaysto ee xaafadda ayaa ganacsigu maanta xiran yahay iyadoo guddiga ganacstadau sheegeen inay ku muujiyanaan siday ugu xun yihiin dilka arxan-darrada ah ee loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay ehel yihiin. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii Axmed Sheekh Cabdirixmaan (Axmed Yare) ayaa BBC-da u sheegay inay dowladda jawaab ka sugayaan. “Waxay ahayd dhacdo aan waligeed na soo marin, taas ayaan nagu kalliftay inaan Soomaalida isugu keeno oo bannaanbax qabo, si meel ugu wada soo jeedsado, dowladdana baaq ...
Turkiga oo wafdi culus usoo diray MUQDISHO
WARARKA

Turkiga oo wafdi culus usoo diray MUQDISHO

Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho usoo dirtay wafdi culus oo si diiradan loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigan oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, waxaana qeyb ka ah wafdigaan mas’uuliyiin ka socota wasaaradda tamarta iyo kheyraadka ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in imaatinka wafdigan uu la xiriiro qorshaha markabka Turkiga uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo sameyn doono sahmin shidaal oo rasmi ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wafdigan kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inay farxad u tahay inay soo gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda Ankara oo saaxib...
JABUUTI oo walaac ka muujisay xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Eritrea
WARARKA

JABUUTI oo walaac ka muujisay xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Eritrea

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa xaqiijiyay in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Cabashadan ayaa la xiriirta walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Xasa Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay May 2022, wuxuu saaxiib aad u dhow ka dhigtay Afwerki, isaga oo dalka Eritrea booqday muddadaas illaa 8 jeer, taasi oo ah tii ugu badneyd ee uu sameeyo madaxweyne Soomaali ah muddo aad u kooban. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya. Ismaac...