WARARKA

Hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi
WARARKA

Hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi. Wararka ayaa sheegaya in hooyadan Soomaaliyeed iyo gabdhaheeda la afduubtay Isniintii lasoo dhaafay, kadibna si xun loo dilay, ayada oo la jarjaray qaar kamid ah xubnahooda. Hooyada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Waris Daa’uud, halka laba gabdhood lagu kala magacaabi jiray Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa aad uga naxay falkan, waxaana maanta xaafadda Islii ka socda dibad-baxayo ay dhigaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga ee Nairobi, iyada oo saamey...
DF Somalia oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa
WARARKA

DF Somalia oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo laga kala dajiyay garoomada diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa Dhalinyaradan oo dhibaatooyin adag kala soo kulmay magafaha Liibiya ayaa tiradooda waxa ay gaarayaan 164, waxaana laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya. Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyardan Soomaaliyeed oo keenistooda dagaal badan ay gelisay dowladda. Illaa 109 kamid ah dhalinyaradan ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, ...
Madaxweynaha  Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga kadib weerarkii argagixiso
WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga kadib weerarkii argagixiso

Muqdisho, 23 Oktoobar, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ...
SOOMAALIYA IYO KENYA OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO ISKAASHIGA
WARARKA

SOOMAALIYA IYO KENYA OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO ISKAASHIGA

Muqdishu, Oktoobar 23, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda: Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025. or u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqa...
Soomaaliya oo loo ansixiyay $100 Milyan iyo waxa lagu qabanayo
WARARKA

Soomaaliya oo loo ansixiyay $100 Milyan iyo waxa lagu qabanayo

Soomaaliya ayaa maanta loo ansixiyay mashruuc ballaaran oo ay ku kaceyso illaa 100 Milyan oo doollar, kadib shirweyne ka dhacay mgaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed. Shirkan o ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb-gashay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed (Al-makhzoumi) iyo wafdi ay hoggaamineyso, wuxuuna ahaa Kalfadhiga 40-aad ee guddiga sare ee Sanduuqa Green Climate Fund. Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu ansixiyey $100 milyan oo doollar, taasi oo lagu fulinayo mashruuc kor loogu qaadayo adkeysiga cimillada ee bulshada Soomaaliyeed. Khadija Al-makhzoumi oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay kii ugu horreeyay ee loo ansixiyo Soomaaliya, uuna ku yimid dadaalka xukuumada DanQaran. “Taariikh ...
Xildhibaannada BF oo maanta ansixiyay heshiisk
WARARKA

Xildhibaannada BF oo maanta ansixiyay heshiisk

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha shacabka. Ugu horeyn Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee golaha Wasiiradda. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa. Heshiiska ayaa ogolaatay oo u codeeyat 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, halka ay saddex Xildhibaanna ka aamustay. Sidoo kale Xildhibaa...
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan la qaatay Dhigiisa Kenya William Ruto
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan la qaatay Dhigiisa Kenya William Ruto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Kenya William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, waxayna Xasan Sheekh iyo William Ruto ku gorfeeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Labada madaxweyne ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gardarrada Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidam...
Dheeho Wararka la xiriira kulamada Talaadad ee Champions League
SPORTS, WARARKA

Dheeho Wararka la xiriira kulamada Talaadad ee Champions League

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa mar kale mucjiso ku samaysay garoonka Santiago Bernabeu kulan ku celis ah oo ay isku haleeleen finalka Yurub xilli ciyaareedkii hore. Vinicius Junior ayaa dhaliyay seddexleey iyadoo Real Madrid ay soo bandhigtay soo laabasho cajiib ah qeybtii labaad ee ciyaarta 2-0 ay ku garaacday Borussia Dortmund 5-2. Goolal ay kala dhaliyeen Donyell Malen iyo Ingiriisi Jamie Gittens ayaa Dortmund si raaxo leh hogaanka ugu dhiibay waqtigii nasashada iyadoo ku celistay finalkii sanadkii hore oo ay Real ku badisay 2-0. Antonio Rudiger ayaa gool madax ah u soo celiyay kooxda heysata horyaalka Spain daqiiqadii 60-aad ka hor inta uusan Vinicius dhalin labo daqiiqo ka dib. Kabtan Lucas Vazquez ayaa ciyaarta ka dhigay 3-2 ay ku hogaaminayso kooxda martida loo ahaa,kadib m...
Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud
WARARKA

Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isku dayay inay soo weeraraan ciidamada ku sugan furimaha hore. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Budbud iyo Bood, waxaana kadib dagaal kala hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan looga dilay Al-Shabaab illaa 10 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan. Guddoomiyaha deegaanka Budbud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerarka iyo dagaalka xigay, wuxuuna sheegay in ciidamad huwanta ay ka gaareen guulo waa wayn. Dagaalka wuxuu ka dhacay meel u dh...