WARARKA

Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Siyaasadda 
WARARKA

Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Siyaasadda 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo, intii ay ku guda jirtay booqashadeedii Muqdisho. Danjire Fiqi ayaa H.E. DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhinaca amniga ee Soomaaliya ku tallaabsatay, shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyo soo jeedinta DF ee ku aadan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Sidoo kale, H.E. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobay u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka shaqeyn doonto New Yo...
Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis cusub oo
WARARKA

Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis cusub oo

Dowladaha Jabuuti iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iyo qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun quwadda cadceedda ah laga dhaliyo, taas oo cabirkeedu yahay 276.5 kilowat, lagana dhisayo dalka Jabuuti. Heshiiskaan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday iskaashiga u dhaxeeya labada dal, waana Mashruuc ay hirgelineyso, isla markaana maalgelineyso dowladda Masar. Waxaa la doonayaa in xaruntaan quwadda laga sameeyo gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, heshiiskaan ayaa ka tarjumaya sida ay labada dal xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo, loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta mashruucaan. Wasiirka Korontada iyo Tamarta ayaa heshiiskaan u saxiixay dowladda Masar, halka Wasiirka Tamarta iyo Kheyra...
Dàawo : Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Daah-furka Qorshaha Isbeddelka Qaranka
WARARKA

Dàawo : Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Daah-furka Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan Qaran oo sal adag leh, caqabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhalino aragtida  ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog. Madaxwey...
Madasha NGO-yada aan dowliga ahayn ee u ololeeya difaaca xuquuqda aadanaha ee dalalka africa ayaa soo gebagebeyay maalmo dood wadaag ah
WARARKA

Madasha NGO-yada aan dowliga ahayn ee u ololeeya difaaca xuquuqda aadanaha ee dalalka africa ayaa soo gebagebeyay maalmo dood wadaag ah

Madasha NGO-yada aan dowliga ahayn ee u ololeeya difaaca xuquuqda aadanaha ee dalalka africa ayaa soo gebagebeyay maalmo dood wadaag ah ooy ku lahaayeen magaalada Banjul ee dalka Gambia Mowduucyo xasaasiga ah ee diiradda ay saareen ka qeybgalyaasha doodan ayaa waxa ka mid ah dadaallo iskaashi oo lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha Xuquuqda dhijitaalka ah, iskahorimaadyada Afrika, isbeddelka maamulka, iyo xeeladaha lagula dagaallamayo isla xisaabtan la'aanta ayaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday sadaxdii cisho ee madasha NGO-yada oo kulankooda ay soo qabanqaanisay Heyadda Pan-African human right defenders Ka qaybgalayaasha dood-cilmiyeedkan ayaa wadaagay fikrado xooggan intii lagu jiray doodda ku saabsan la-dagaallanka caburinta dhijitaalka ah ee #Africa. Doodu waxay if...
Hal,addeyga Hassan Sheikh Mohamud Waxa uu Albaabada ka soo xiray Hamigii Abiy
WARARKA

Hal,addeyga Hassan Sheikh Mohamud Waxa uu Albaabada ka soo xiray Hamigii Abiy

"WQ/ Elmi Osman Farah Boodhari Colaada Qowmiyadaha, Amnidarada kooxaha Argagixisada, Qiimaha sare ee nolosha Iyo xiisadda Isbadelka cimilada ooy ku jiraan Abaaro iyo daadad ayaa ka mid ahaa dhacdooyinka aan wanaagsaneyn ee ku jira liiska masiibooyinka ay la halgamayeen dadyoowga Geeska africa ka hor Intii aanu Abiy axmed dab ku shidin nabdoonaantii yareyd ee gobolka ka jirtay Damaca Ethiopia ee ku aadan marin badeed ay ka qaadato biyaha Somalia waxa uu Geeska Afrika u riixay In uu galiyo kacdoon weyn Iyadoo Adduunyadan la macna Tiray Illaalinta sharciga caalamiga Ah ay Somalia u soo bandhigtay wadooyin ku qasbaya inay sii kororto Xiisada Gobolka Madaxweynaha Somalia Dr :Xasan Sheekh Maxamuud oo olole balaaran u galay sidii uu uga taqalusi lahaa Isafgaradkii lagu fududaaday ayaa oo...
Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta kusoo dhaweeyay Madax ka socota hay’adaha Turkiga  
WARARKA

Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta kusoo dhaweeyay Madax ka socota hay’adaha Turkiga  

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adaha Turkiga ee AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET oo uu hoggaaminayay Md. Kubilay Ozyurt oo ah Madaxa Isgaarsiinta AFAD. Guddoomiyaha ayaa waftiga ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan waftiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada, karaanka iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA. Gudoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin oo si weyn ugu mahad-celiyay booqashada ayaa adkeeyay muhiimadda ay ...
Xukuumadda DanQaran oo soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029
WARARKA

Xukuumadda DanQaran oo soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029

Xukuumadda DanQaran,ayaa maanta soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, kaas oo uu si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo munaasabadda daahfurka ka hadlay, ayaa tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hey’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu intaas ku daray in qorshahani uu yahay mid ku saleysan aragtida guud ee Soomaaliya, taas oo diiradda saaraysa horumarinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga ah ee dalka.
Isbahaysiga isbedelaya ee Geeska Afrika: Maxaan ognahay?
WARARKA

Isbahaysiga isbedelaya ee Geeska Afrika: Maxaan ognahay?

Heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah oo dhex maray Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa si la yaab leh u beddelay isbahaysigii gobolka Geeska Afrika, isaga oo sii cidleeyey Itoobiya, lagana yaabo in uu sare u qaaday halista dagaal, waxaa sidaas yiri fallanqeeyayaal. Saddexda dal ayaa shir-madaxeed lama filaan ah ku yeeshay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea Khamiistii, kaasi oo uu ku baaqay hoggaamiyaha kali-taliska ah ee dalkaas Isaias Afwerki. Waxay ku dhawaaqeen dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya "iskaashiga istaraatiijiyadeed," waxayna isku raaceen in la isku duwo dadaallada ku saabsan amniga gobolka. "Dadka indha-indheeya way ku adkaan doontaa inay u arkaan heshiiska cusub ee iskaashiga amniga inuu yahay wax aan ahayn isbahaysi ka dhan ah Itoobiya," ayuu yi...
Maxaa ku cusub Isreebreebka koobka qaramada Afrika ee AFCON 2025?
SPORTS, WARARKA

Maxaa ku cusub Isreebreebka koobka qaramada Afrika ee AFCON 2025?

Sadio Mane ayaa dhaliyay goolkii guusha ee waqtigii dhimashada taas oo xaqiijistay u soo bixitaanka Senegal ee koobka qaramada Afrika 2025 Libaaxyada Teranga ayaa ku socday barbaro goolal la’aan ah oo ay marti ugu ahaayeen Malawi ka hor inta uusan weeraryahankii hore ee Liverpool, oo haatan u ciyaara kooxda Al Nassr ee Saudi Arabia, uu gool ku dhalin daqiiqadii 96aad ee ciyaarta magaalada Lilongwe. Xulka qaranka Senegal ayaa ku soo baxay 10 dhibcood oo ay ku wada jiraan Group L isla markaana ay ku wada jiraan Burkina Faso, waxayna ku biireen xulalka Galbeedka Afrika ee jaalka u ah koobka qaramada Afrika ee 2025 ee ka dhacaya Morocco. Waxa ay kor u qaadaysaa cadaadiska tababaraha Ghana Otto Addo ka hor labada isreebreebka ee ka harsan bisha November. Sheeko la daawado https://t...