19″ Jan “2023 Wakaaladaha Wararka
Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa labaduba goolal dhaliyay bandhigga laga yaabo in u yahay iska hor,iimaadkoodii ugu dambeyay, ee waayahooda ciyaaraha Dheeho.com
Cristiano Ronaldo ayaa laba gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee Saudi Arabia halka Lionel Messi uu sidoo kale shabaqa soo taabtay iyada oo Paris St-Germain ay 5-4 ku garaacday Riyaad All-Star ciyaar xiiso lahayd oo ka dhacday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh
Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa taageerayaashooda dib ugu soo celiyay waqtigii ugu fiicnaa ee xafiiltankooda
Ciyaartan ayaa waxaa lagu arkayay labada ciyaaryahan oo ka mid ah ciyaaryahannadii ugu wacnaa ee abid soo mara garoonka, iyadoo ay suuragal tahay markii ugu dambeysay wada ciyaaraan in ay noqoto.
Goolka daah-furka Messi ayaa lagu kala nastay 2-2 oo uu dhaliyay Ronaldo- Labada daafac dhexe ee PSG ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay iyadoo Sergio Ramos uu dhamaadkii ciyaarta si qurux badan u dhameystiray Marquinhos.
Kabtanka Argentina ayaa kubad baas ah ka helay Neymar, waxaana uu gool u bedelay labo daqiiqo ka dib, laakiin 37-sano jirkaan kabtanka u ah xulka Portugal ma uusan dhaafin.
Laakiin kooxda reer France ayaa ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaartoy iyada oo Juan Bernat uu qaatay kaarka guduudan oo toos ah kadib markii uu dhulka ku jiiday xidiga ree Saudi Arabia ee Salem Al Dawsari, sidoo kale Neymar ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ka khasaariyay rekoore cajiib ah.
Gool uu madax ku dhaliyay Jang Hyun-soo ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 3-3 ah, laakiin rigoore uu dhaliyay Kylian Mbappe iyo Hugo Ekitike oo badal ku soo galay ayaa kooxdiisa PSG ka saaray barbaraha
By Abdulkadir Farah Dulyar