Dadka ka barakacay deegaanka Ceelbaraf oo wajahaya Xaalad Binu-aadanimo

6″ May”2022

Maamulka deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in xaalad binu’aadanimo soo wajahday dadka shacabka ee ka barakacay weerarka ay Al-shabaab Talaadadii ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Ceelbaraf, Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegay in dad badan ay ka barakaceen deegaanka, kuwaasi oo cabsi ka qaba in uu dagaal dhexmaro Al-shabaab iyo Ciidamada ATMIS gaar ahaan Burundi oo aan weli dib ugu laaban Saldhigii lagu soo weeraray.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 oo qoys, kuwaasi oo u barakacay degmada Mahadaay iyo Jowhar, iyaga oo wajahaya Xaalad nolol loo adag.

Ilaa 30 askri oo ka tirsan Ciidamada ATMIS gaar ahaan Burundi ayaa lagu dilay weerarka, balse Al-shabaab ayaa iyadu sheegtay in ay Saldhiga ATMIS ee Ceelbaraf ay ku dileen 173 askar.