Diyaarada Precision Air ee Tansaaniya ayaa ku burburtay harada Victoria

6″ November “2022” Aljazeera

Diyaaradda ayaa ku dhaadhacday harada xilli ay isku dayaysay in ay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Bukoba xilli ay dabeylo wataan waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Precision Air ayaa ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzania xilli ay dooneysay in ay ku degto garoon diyaaradeed xilli cimilo xumo, waxaana ku dhintay saddex qof. Sarkaal ayaa sheegay in 26 qof la soo badbaadiyay maanta oo Axad ah.

Guddoomiyaha gobolka Albert Chalamila ayaa sheegay in 43 qof – oo ay ku jiraan 39 rakaab ah, laba duuliye iyo laba shaqaale ah – ay saarnaayeen diyaaradda.

“Sida aan u hadlayno, waxaan ku guuleysanay inaan soo badbaadino 26 qof oo loo qaaday isbitaalkeena tixraaca,” Chalamila ayaa tiri. “Howlgalka samatabbixinta weli wuu socdaa, waxaana la xiriireynaa duuliyeyaasha.”

Warbaahinta Tanzania oo ay dowladdu leedahay ayaa markii dambe sheegtay in saddex qof ay dhinteen.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay caasimadda ganacsiga ee Dar-es-Salaam, waxayna “ku soo dhacday harada Victoria subaxnimadii saaka duufaan iyo roobab xooggan” oo ka dhacay Bukoba.

“Waxaan ku guuleysanay inaan badbaadino tiro dad ah,” ayuu taliyaha booliiska gobolka Kagera William Mwampaghale u sheegay suxufiyiinta.

“Markii diyaaraddu ay hawada u jirtay ilaa 100 mitir, waxay la kulantay dhibaatooyin iyo cimilo xumo. Roob ayaa da’ay diyaarada ayaa biyihii dhex gashay. Wax walba gacanta ayaa lagu hayaa

Sida uu sheegay Taliyaha Booliska degmada Buukoba, diyaaradda ayaa u soo dhacday cimilo xumo, ceeryaamo awgeed. Waxaa ka da’aya agagaarka deegaankaas. Waxaa wali socda dadaalada samata bixinta Shirkaddu waxay Tansaaniya ka shaqaynaysay muddo dheer, wax shil ahna ma dhicin,” ayuu yidhi Siciid.

Gegida diyaaradaha ee Bukoba waxay ku taal xeebta harada Victoria, harada ugu weyn Afrika. Doomo samatabbixin ah ayaa goobta la geeyay waxaana shaqaalaha gurmadka ay sii wadeen badbaadinta rakaabka kale ee ku go’doonsan diyaaradda.

Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa ku baaqday in la is dejiyo inta uu socdo howlgalka badbaadinta.

“Anigoo murugeysan ayaan helay warka shilka ee diyaaradda Precision Air,” ayay ku soo qortay barteeda twitter-ka. “Aan is dejino xilligan oo ay samatabbixiyeyaashu sii wadaan hawsha samata bixinta iyagoo Ilaahay ka baryaya inuu nagu caawiyo

Leave a Reply