31″ December “2022
Diyaaradaha Militariga Kenya ayaa duqeeyay Xarumo ay leeyihiin Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Somtel oo ku yaal Gobolka Gedo- Dheeho.com
Duqeeyntan ayaa timid Maalin ka dib markii uu muqdisho ka dhoofay Wasiirka difaaca Ke犀利士 nya Aadan Bare Ducaale oo kaga qaybgalay caasimada Somalia munaasabad lagu daah-furayay Xarunta Akadeemiya-goboleedka Afka Somaliga
Iddaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa tabisay Xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin degaanka Caro-caso, inay ku dhaceen dhowr gantaal ooy soo rideen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya
Ma jiro wax khasaaro ah oo duqeynta kasoo gaaray shaqaalaha Shirkadaha Hormuud iyo Somtel, hayeeshee waxaa la tilmaamay inuu jiro khasaaro burbur oo gaaray qeybo kamid ah labada Xarun, sida ay xaqiijiyeen qaar kamida dadka degaanka ee goobta tagay.
Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi duqeynta ee lala eegtay Xarumaha shirkadaha Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin degaanka Carocaso ee Gobalka Gedo.
Kenya waxay dib ugu soo nooleeysay bartilmaameedkii ah xasuuqa iyo burburinta hantida shacabka soomaaliyeed, iyadoo aaney jirin cid kula xisaabtameeysa.
Burburinta xarumaha isgaarsiintan ee gobolada Soomaaliyeed ee xuduuda la leh dalka Kenya ayaa saameyn xun oo xaga ah waxay ku yeelanysaa nolosha dad badan oo Adeega Lacag bixinta ee EVC ku xirnaa