24″ April “2022” Muqdisho
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ay ka dhici doonto Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga oo ka hadlay fadhigii Golaha ee maanta ayaa tillaabadaan Doorashada uga dhaceyso Afisiyooni ku sababeeyay in Xarunta Viila Hargeysa ee Golaha Shacabka aysan qaadeynin dadka kasoo qeyb galaya doorashada iyo Arrimo kale oo la xiriira amnig.
27-ka bishaan Maarso ayaa lagu wadaa in la qabto Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, waxaa socda olole xoogan oo ku aadan doorashada dhaceysa