26″ April “2022” Muqdisho
Waxaa markale dib loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Senater Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib doorasho ka dhacday xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare kula tartamay Senorterda kala ah Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaana guuleystay Senoter Cabdixaashi Cabdullaahi,iyadoo hoolka doorashada ay ku sugnaayeen tirade Senoterada uu ka kooban yahay Aqalka Sare oo ah 54 Mudane.
Kadib markii la tiriyay cododka, waxaa 28-cod helay Senoter Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana 24- Cod helay Senoter Saalax Axmed Jaamac, halka Senoter Cusmaan Abuukar Dubbe uu helay isna 2-Cod, majirin cod halaabay, sida la shaaciyay.
Wali doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa socoto, waxaana la aaday doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay u tartamayaan Musharixiinta kala ah; Cabdixakiin Macalim Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahim
Cali Shacbaan oo ku guuleystay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare
Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho oo ay ka socoto doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa goordhow lagu doortay Senator Cali Shacbaan Ibraahin kaas oo noqday Guddoomiyeku xigeenka 1-aad ee golahaas.
Tartanka doorasho ee guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare waxaa ku wada loola mayay Senator Cabdixakiim Macalin Axmed iyo Senator Cali Shacbaan Ibraahin, balse tirinta cododka kadib waxaa ku guuleystay Senator Cali Shacbaan kaas oohelay 28-Cod, halka Senoter Cabdixakiin uu helay codad gaarayay 25-cod, iyadoo uu halaabay hal Cod.
Doorashada kursiga guddoomiye kuxigeenka 1-aad waxaa ay labada Senoter isla aadeen Wareega labaad,kadib markii ay isku mari waayeen wareega 1aad oo ay kala heleen min 27-cod, waxaana markaas halaabay 1-cod.
Xayeeysiis
Sidoo kale, goordhow waxaa la guuda galiyaa doorashada kursiga ugu dambeeyay ee maanta la dooranayo kaas oo ah guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee Golaha Aqalka Sare, waxaana u taagan musharixiintaan kala ah:
- Sanator Ilyaas Badel Gaboose,
- Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)
- ,Senator Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),
- Sanator Sareedo Maxamed Xasan (Jayte),
- Sanator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade),
- Sanator Xasan Xuseen Xaaji oo ah wasiirka Cadaaladda
- & Senator Cabdi Cismaan xareed.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare oo la doortay
Senator Cabdulaahi Cali Timacade ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Aqalka sare ee BJFS waxaana uu helay codad gaaraya 30 Cod.
Halka musharaxa la tartamay oo ah Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 23 cod.
Guddoomiyaha KMG ee golaha aqalka sare ayaa ku dhawaaqay natiijada