Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga Ee Golaha Shacabka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

24 Feb 2022″ Muqdisho

Waxaa Maanta oo jimco ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga ee Baarlamaanka 11-aad.

Doorashadan oo shan kursi aheyd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiyada doorashada  heer Federaal iyo kuwa xallinta Khilaafka, waxaana doorashada qabsoontay, iyada oo xal laga gaaray khilaaf ka dhashay kuraasta qaarkood.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#266 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaana hore ugu fadhiday Biibi Khaliif Maxamed.

Kursiga Hop#034 ayaa waxaa ku soo baxday Khadiijo Maxamed oo loo yaqaano Al-Maqsuumi&犀利士 nbsp; oo ah Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Pakistaan, waxaana kursigaan horey ugu fadhiyey Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde, iyadoona dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Jeylaani Nuur Iikar, kursiga Hop#084 ayaa waxaa kusoo baxay Taliye ku-xigeenkii Booliska Gobolkaan Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji Jeego.

Leave a Reply