Ergeyga gaar ah ee xaafiiska madaxweynaha somalia u qaabilsan gurmadka Abaaraha iyo arimaha bani,aadantinimada oo la kulmay Safiirka M/Yurub ee Somalia

7″ June ” 2022″ Muqdisho”

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka bini’aadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellan yahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana tilmaamtay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta midowga yurub iyo hay’adaha kaleba howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Ergeyga oo horreyn uga mahad celiyay Midowga sida ay mar walba u garab taaganyihiin Soomaaliya ayaa gaar ahaan xusay qayb ka qaadashada abaabulkii shirkii Geneva, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammeystirka bixinta ballanqaadkaa. 

壯陽藥

Waxa uu sidoo kale ka warramay sida hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay mudnaan ugu leedahay howsha arrimaha bini’aadminimada ayaa tibaaxay in xafiiskiisu dedaal ku bixin doono isu duwista iyo fududeynta howlaha gargaarka.

Gebogabadii waxa ergayga iyo danjirahu ku ballameen in xiriir dheeri ah laga yeesho dardargelinta deeqraadin hor leh iyo sidoo kale xoojinta howlaha gudaha ee la xiriira abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Somalia ayaa In ka badan 200,000 oo qof waxay wajahayaan macluul iyadoo farmaajo uu carqaladeeynayo gurmadkii loo fidin lahaa dadka abaartu waxyeeleeysay markii in dhaha bulshada uu bilaabay in uu jeediyo yabooh guri oo uu doonayo in loogu dhiso kaalmo laga aruuriyay dad ku tuhmaya lunsashada hanti qaran oo dalka laga dhacay xiligiisii

Gudgii maaliyada baarlamaankii 10 aad ayaa la kaala diray markii ay ku soo oogeen dowladii in ay kala xisaabtamaan musuqmaasuqa lacageed

Leave a Reply