Farmaajo “Arrimaha Doorashada Iyo Xaaladda Dalka Waxaa Ku Jira Faragelin Shisheeye”

6″ February “2021” MUQDISHO-

CUSBOONEEYSIIN”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad ka jeediyay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshee Xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay, iyadoona uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bedeli doonaan Xildhibaano la doortay, si looga fogaado wax kasta oo keeni khalalaaso siyaasadeed, wuxuuna sheegay in Warbixinta uu jeedinayay aysan aheyn mid ay leeyihiin Muraacadka, xili lagu buuqay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu tilmaamay in afartii sannoba mar dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana magacaabeen Guddiyo ka shaqeeya arrimaha doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay dooneysay in dalka laga qabto doorasho qof iyo Cod ah, hayeeshee uu tanaasul ka sameeyay.

Madaxweynaha Puntland ayuu carabka ku dhuftay Madaxweynaha inuu isaga gacantiisa ku qoray heshiiskii 17-kii Bishii September 2020 doorashada dalka looga gaaray Muqdisho, isla markaana Madaxda ay goob joog ka ahaayeen, sidaasina uu ku  aqbalay, xiligaas.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jirto faragelin shisheeye, isagoo caddeeyay in uusan dhici doonin firaaq Dastuuri ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay fulinta heshiiskii 17-kii Bishii September 2020 laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, wuxuuna Xildhibaanada Golaha Shacabka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyaan

Senatarada Aqalka Sare oo Laga Saaray Shirka Villa Hargeysa Iyo Mursal oo Hadlay

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulan gaar ah oo la isugu yeeray Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo dalbaday Madaxweynaha dowladda.

In ka badan 140 Xildhibaan ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana sidoo kalena halkaas ku sugna Senataro ka tirsan Aqalka Sare.

Guddoomiye Mursal oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Maanta uusan aheyd mid wadajir ah, hayeeshee uu dalbaday Madaxweynaha, sidaasina loo qaday.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamed Mursal in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo la sameeynayo, islan markaana aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee sheegayay in Madaxweynaha uu muddo kororsi weydiisan doono Xildhibaanada.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayuu sheegay inuu uu yahay khudbad jeedinta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu uga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Guddoomiyaha Golaha dalbaday in Xarunta Villa Hargeysa ka baxaan Senatada Aqalka Sare, isla markaana kulan uu gaar u yahay oo kaliya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor sii horeysay oo xalay sheegay in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, xili Senataro ay sheegeen inay ka qeyb galaan kulanka.

Leave a Reply