February “6” 2021 ” MUQDISHO-
Farmaajo oo ahaa masuuulkii ugu horeeyay ee sababay fashilka ku yimid shirkii dhuusamareeb ayaa eedo u jeediyay axmed madoobe iyo dani , isaga oo Ku tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada,
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayuu Ku riixay farmaajo in ay diideen dhaqan-gelinta heshiiska dhuusamareeb oo caqabadaha ugu horeeya laysla ogolyahay in ay ka timid farmaajo qudhiisa base,yeeshee waxa arintaas uu isaga leexiyay maamulada but land iyo jubaland oo uu yiri waxa ay diideen meelmarinta qodobbadii ay horey u saxiixeen,
.
“Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay, labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada.”
Farmaajo oo ka caga jiidayay doorsho laysla ogolyahay in ay dalka ka qabsoonto ayaan muujin jiritaanka rajo wanaagsan oo isu soon dhawaansho keeni karts