Saturday ” 11″ September ” 2021″ Muqdisho
Kulankan oo ay dhexdhexaadinayeen Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa galay wajiga labaad, iyadoo wararku ay sheegayaan in qodobbada qaar la isku afgartay.
Bbc laanteeda soomaaliga ayaa daabacday in ay jiraan xubno isu taagay in ay isu soo jiidaan Rooble iyo farmaajo
Balse xildhibaan la hadlay AFP ayaa Jimcadii sheegay in dhowr siyaasi ay u istaageen xallinta muranka Farmaajo iyo Rooble.
Dadaal dhexdhexaadin ah
“Waxaa jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo soo faro geliyay xaaladda… waxayna billaabeen dadaallo lagu dhexdhexaadinayo madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”, ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax Maxamed.
“Waxaan rajeynayaa in lasoo afjari doono isku dhaca siyaasadeed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-Qoor” iyo dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen”.
Labada siyaasi ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka hoggaamiyeyaasha uu aad usii xoogeystay.

Kaddib waxaa kulan gaar ah uga billowday Xafiiska Madaxweynaha, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa.
Waxaa soo baxaya warar ku saabsan kulan maanta ay ku yeesheen madaxtooyada Qaranka Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ka billowday markii uu Ra’iisul Wasaaraha shaqada ka eryay agaasimihii hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Tallaabadaas ayaa daba socotay markii la waayay gabar u shaqeyn jirtay Sirdoonka Soomaaliya oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax.
Hay’addaas ayaa warbixin ay maalmahaas gudahooda soo saartay ku sheegtay in Ikraan ay dileen kooxda Al-shabaab, eedeyntaas oo kooxdaasina ay u beenisay si aan looga baranin.
Balse madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid go’aanka uu Rooble shaqada uga eryay Fahad Yaasiin, isagoo markii dambena usii dallacsiiyay jagada la-taliyahiisa amniga qaranka.
Rooble oo taas ka jawaabayay ayaase madaxweynaha ku eedeeyay “inuu hor istaagayo” baaritaanka ku saabsan gabadha la waayay. Saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacadana waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu shaqada ka eryay Wasiirkii Amniga Gudaha oo uu ku baddalay siyaasi eedeyn jiray Farmaajo.

Sarkaal xiriir dhow la leh xafiiska Farmaajo ayaa AFP u sheegay in uu hadda socdo dadaalka waanwaanta ah ee labada mas’uul la isugu keenayo miiska wadahadalka. Waxa uu xaqiijiyay in ay howshaas hoggaaminayaan madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Halista soo wajahday doorashada
Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kaddib markii isbahaysiga Mucaaradka oo bayaan soo saaray Jimcadii ay sheegeen “in ay taageersan yihiin Ra’iisul Wasaaraha”, iyagoo madaxweynahana ku cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday.
Murankan ayaa khalkhal galinaya doorashada horayba waqtigeeda uga dib dhacday, waxaana suuragal ah inuu dib u dhac kale usii keeno.
Muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaaday bishii February, balse bishii Aril waxaa muddo kordhin u sameeyay baarlamaanka, taasoo sababtay qalalaase siyaasadeed oo khasaare ka geystay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Rooble ayaa markaas kaddib loo igmaday inuu doorashada hoggaamiyo, iyadoo meesha laga saaray go’aankii muddo kordhinta dowladda.
Wajiga labaad ee doorashada, oo ku dhisan codeyn dadban, ayaa la filayaa in lagu soo doorto xubnaha Golaha Shacabka inta u dhaxeysa 1-da bisha October ilaa 25-ka bisha November.
Codsiga Farmaajo Muxuu Yahay ?

Farmaajo ayaa ka codsaday raysilwasaare rooble in dacwada laga joojiyo fahad yaasiin taas oo macnaheedu yahay in la daboolo kiiska Ikraan tahliil hase yeeshee Raysilwasaare rooble ayaa ku gacan seeyray soo jeedinta farmaajo ee ku aadan in aan la tixgalinta cadaaladeed ee sarkaaladii la dilay ee ikraan tahliil
Inkastoo Wararka qaar ay leeyihiin waxaa jira meelo la,Isaga soo dhawaaday hadana ma,cada meelahaas la tilmaamay in ay yihiin kuwa markii horaba aan lagu muransaneeyn iyo in kale sidaas ooy tahay Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuur犀利士 ay cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
