6- December-2023- BBC

Guddoomiyaha aqalka Senete-ka Kenya oo lagu qabsaday hadal uu ka sheegay Somaliland
Xog hayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Kenya Dr. Abraham Korir Singoei, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha aqalka senate-ka ee dalkaasi Amason Kingi, inuu faraha kala boxo arrimaha dibadda ee dalka, tano oo daba socotay qoraal uu Amason horaan soo dhigay boggisa X, kaas oo uu ciwaan uga dhigay sare u qaadidda xiriirka Kenya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, sida ay warbaahinta Kenya qaarkood qoreen.
Amason waxa uu sheegay inuu la kulmay wakiilka Somaliland ee Kenya Dr Maxamed Axmed Maxamuud, kalana hadlay sidii loo samayn lahaa dhabayow cusub oo loo hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqaynta labada dal, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu qoraalkiisa kusii daray in ay si muuqata ugu baahan yihiin, fududeynta isu socodka dadka iyo alaabta labada dal. Hase yeeshee xog hayaha arrimaha dibadda Abraham Korir ayaa hadalka guddoomiyaha ku tilmaamay “jahwareer diblomaasiyadeed”.
Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Axmed ayaan ka waraysannay aragtidiisa ku aaddan arrintan, waxa uuna qadka taleefanka ugu warama壯陽藥 y Cabdiraxaan Dhimbiil