14″ October “2022
waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix Nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Mareykanka.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacaayay, si ay u daawadaan dilka lagu fuliyey ragga Shabaabka ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka oo basaas u ahaayeen.
Ragga la toogtay ayaa waxaa Al-shabaab ay magacyadooda ku kala sheegeen C/Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna aheyd 38 jir, Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna aheyd 33 jir, C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), kaasi oo isna da’diisa aheyd 27 jir.
Sidoo kale ragga lagu dilay degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ku jiray C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), oo 29 jir ahaa, Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, oo 43 jir aha aiyo C/Qaadir Xuseen Cabdi (Gobal), oo 22 jir ahaa.
Si kastaba, Al-shabaab ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno dilal toogasho ah ugu fulisay rag ay 犀利士 ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.