18″ April “2022” Muqdisho
Xarunta Villa Hargeysa oo ay kulan wadajir ah ay ku haayeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya waxaa kusoo dhacay tiro madaafiic ah kuwaas oo qaarkood ku dhacay gudaha xarunta iyo agagaarkeeda, iyadoo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiyaal ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka iyadoo aan lasoo warin dhimasho, xilli ay socotay dooda baarlamaanka labada gole.
Kadib jawiga kulanka baarlamaanka ayaa isbadalay waxaana ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal, iyadoo guddoonka KMG ah ee labada aqal Xildhibaanada ugu baaqeyn inay isdajiyaan oo aysan banaanka ugu bixin xarunta.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada iyo guddoonkooda KMG ah ayaa iskaga soo baxay hoolkii ay ku shirsanaayeen, kadib markii tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen banaanka hore ee xarunta, iyadoo taasi ay sababtay in markii dambe uu kulanka sidaa kusoo xirmo.
R / Rooble oo weerarkii baarlamanka waxa uu ahaa ‘isku day la doonayo in lagu curyaamiyo dhameystirka doorashada’
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey weerarka oo uu ku qeexay “falal argagixiso oo la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”