Labada aqal ee Baarlamaanka Somalia oo berri kulan wadajir ah ku leh Muqdisho

11″ June “2022” Muqdisho

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa berri kulan wadajir ah ku leh magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen Guddoonka labada Gole.

Farriin loo diray Xildhibaannada labada Gole ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri si wadajir ah akhrinta kowaad la marsiin doono Miisaaniyadda Dowladda ee ay soo gudbisay Xukumadda.

Beri oo Axad ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Iyadoo Agendaha 1 aad uu yahay

  1. Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda 2022.

Saacadu waa 09:00 subaxnimo iyo Xarunta Villa Hargeisa

Leave a Reply