Madaxa (UNHCR) Filippo Grandi ayaa booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug si,uu indhihiisa uga soo arko barakacayaal ku sugan

22″ October “2022” Mudug

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) Filippo Grandi ayaa booqasho ku tagay deegaanka Gaalgacyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu Wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug Axmed Shire Qodaar ayaa Maanta Degmada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Wafdigaan ayaa  Gaalkacyo u yimid inay ka ogaadaan Xaaladaha dhanka nolosha ah ee ay ku sugan yihiin dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga ayaa soo kormeerey qaar ka mid ah kaamamka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo oo xiligaan adeg waja壯陽藥 haya Xaaladaha dhanka nolosha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi ayaa sheegay in la kordhin doono guryaha xalka waara si dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhin doonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

Leave a Reply