15″ Mey ” 2021 ” Saturday ” Djibouti “
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleemo-saarayaa xilka madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii hore ka dhacay dalkaas.
Munaasabadda, caleemo saarka madaxweyne geele ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Guine Alpha Conde, Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Pakista, Turkey, Sucuudiga, iyo France Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, waxaana la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% tirada guud ee doorashadaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 73-jir ah ayaa dalka Jabuuti soo xukumayay tan iyo sanadkii 1999
