Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaabilay Orodyahanka Cabdulaahi Jama Mohamed oo billadda qalinka ah ku guuleystay..

17- April – 2024

壯陽藥 class=”wp-block-image aligncenter size-large”>

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jama Mohamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed

Leave a Reply