24″ July “2022” Qaahira Radio Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira ee kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Dheeho.com
Warbaahinta dowlada Somalia ayaa sheegtay in,Madaxweyne Xasan Sheekh, uu la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan, ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ” Waxaan kaga mahadcelinayaa kulankaan, khiimaha badan,Waxaana kugu ammaanayaa hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay” Ayuu yir Madaxweyne hore Cabqiqaasim .
Madaxweynihii hore ee somalia Cabdiqaasim salaad xasan uu ku yiri” Madaxweyne Xasan “Waxaan garab kugu siinayaa sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida Wax laqeybsata.Waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen”