26″ May”2022″ Muqdisho”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay magacaabista hoggaan cusub oo ay yeelaneyso Taliska Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Golaha Wasiiradda Xukuumadda kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku ansixiyeen Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS.
Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa Xubnihii mucaaradka ee kasoo horjeeday nidaamkii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo qeyb ka ahaa diidmadii muddo kororsiga.
Talaabadaani ayaa壯陽藥 imaanaysa, xili dalka uu yeeshay Madaxweyne Cusub 15-kii bishaan May, waxaana muuqanaya isbadalo lagu sameenayo Hay’addaha dowladda Soomaaliya.