Mareykanka ayaa ku dhawaaqay 1.2 bilyan oo dollar oo ah lacag lagu gargaarayo dadka ay abaaruhu la soo darseen ee geeska africa

19″ July “2022

Dowladda Mareykanka ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay bixineyso lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.2 bilyan oo dollar oo ah gargaar bani’aadannimo, taas oo ay ugu tala gashay dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee hadda ka jira Geeska Afrika.

Samantha Power, oo ah madaxa Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo USAID, oo warkan ku dhawaaqday ayaa sheegtay in lacagtani lagu fan-gareyn doono gargaar cunto, xaaladaha deg degga ah sida lacago mucaawino kaash ah, tallaal iyo dawooyin la siin doono carruurta iyo dumarka aadka u xanuunsan iyo kuwa dayacan

Waxay sheegtay in hadafka lacagtani ay tahay in looga hortago in Geeska Africa ay ka dhacdo macluul, iyada oo ku boorrisay dalalka caalamka oo uu ku jiro Shiinaha in ay gacan ka geystaan xalinta cunto-yarida ka dhalatay dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Samantha Power ayaa sheegtay in xaaladaha ugu daran ee abaarta ay ka jirto dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Waxay sidoo kale sheegtay in dhamaadka todobaadkaan ay booqan doonto Geeska Afrika si ay u qiimeyso xaaladda.

Abaarta ka jirta Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay tii ugu xumeyd oo gobolka ku dhufata ku dhawaad muddo 50 sano ah.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in 20 malyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.

Halka dhibka baaxaddiisuna uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya iney tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sana ah.

Dadki ku noolaa tuulooyin dhan aya guryahooda ka qaxay iyaga oo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.

Hay’aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan iney nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.

Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.

Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka weyn maadama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.

Haatan dhimasho ayaa lasoo sheegayaa, mid kamid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo halkaas.

犀利士

Leave a Reply