MASAR oo ciidamadeeda kusoo daabuleyso gudaha Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax El-Sisi

Waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaan qaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya