Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo ku xigeenka Xoghayaha QM?

6″ September “2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay, iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Dhanka kale Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamk壯陽藥 a ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah, isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto.

Leave a Reply