6″ Juun “2022 ” : AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES
Shirkadda Google ayay maxkamadu Ku wargalisay in ay siiso sharci-dejihii hore John Barilaro Aduun gaaraya ilaa 715,000 oo ah magdhow sumcad dil ah oo ka dhalatay laba muuqaal oo la soo galiyay YouTube.
Maxkamadda Federaalka ee Australia waxay heshay isniintii in labada muuqaal ay ku kexeeyeen John Barilaro, ku xigeenka ra’iisul wasaaraha gobolka ugu dadka badan Australia ee New South Wales, inuu ka tago siyaasadda si degdeg ah.
Garsoore Steven Rares ayaa sheegay in fiidiyowyada, oo uu dhejiyay falanqeeye siyaasadeed Jordan Shanks ay u dhigmayeen ” olole aan naxariis lahayn, cunsurinimo, aflagaado, xadgudub iyo sumcad dil ah” oo ka dhan ah Barilaro.
Fiidiyowyadu waxay su’aal galiyeen daacadnimada sharci-dejiiyihii hore, oo ay ku jiraan ku calaamadinta “musuqmaasuq” caddayn la’aan, waxayna ugu yeedheen magacyo cunsuri ah oo “wax aan ka yarayn hadal nacayb”,
Garsooraha ayaa yidhi. Waxa uu ogaaday in Alphabet Inc’s Google, oo leh mareegaha la wadaaga macluumaadka ee YouTube, uu kasbaday kumanaan doolar martigelinta labada fiidiyow
Laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu isticmaalo siyaasadiisa si uu uga hortago hadalada nacaybka, cyberbullying iyo handadaada.
Fiidyowyada waxaa la daawaday ku dhawaad 800,000 oo jeer dhexdooda tan iyo markii la dhajiyay dabayaaqadii 2020
Markii Barilaro uu ka tagay siyaasadda Oktoobar 2021, waxay ahayd sababtoo ah “waxaa naxay ololihii Google iyo Mr Shanks oo… waxay sababtay inuu ka tago xafiiska dadweynaha si degdeg ah”, ayuu yidhi Rares. “Waxaan u arkay hab-dhaqanka Google ee hawshan mid aan habboonayn oo aan sabab lahayn.
“Google oo qiratay qalakeeda
Shirkadda ayaa markii hore difaacday hab-dhaqankeeda balse markii dambe way la laabatay dhammaan difaacyadii waxayna qiratay in muuqaalladaas ay sumcad dil u geysteen Barilaro, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Associated Press.
Shanks, oo YouTube-ka ku isticmaala magaca Friendlyjordies, ayaa bishii November ee sannadkii hore ogolaaday inuu bixiyo 100,000 oo doollarka Australia ah ($72,000) Barilaro,
Waxaanu maxkamadda ka hor,qirtay in qaar ka mid ah muuqaalladiisu ay meel ka dhac ku ahaayeen sharci-dejiiyihii hore. Wuxuu kaloo raaligelin ka bixiyay dhibkii uu u geystay Barilaro. Meel ka baxsan Maxkamadda Federaalka Isniintii,
Bariilaro wuxuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah inuu dareemayo xaqnimada oo uu ku faraxsan yahay inuu soo gaaray “dhammaadka safarka”. “
Waa inaad noqotaa mid dhiiran ama doqonnimo ah si aad Google-ka u gasho, malaha waa xoogaa labadaba,” waxaa laga soo xigtay idaacada ABC. Barilaro waxa uu sheegay in waxa kaliya ee uu waligii rabay ay ahayd raali galin taasina ay tahay sababta uu ula degay Shanks. “Isaga oo yiri waligeey waxaan Rabay lacag ma,ahayn ee waxaan Rabat waxay ahayd raaligalin iyo ka saarid
” XIGASHO: AL JAZEERA IYO WAKAALADAHA ARARKA