Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay Muqdisho, markii Xildhibaanadii uu mursal hogaaminaayay ay muddo 2 sano ah u kordhiyeen farmaajo 12 kii April sanadkii 2021

12″ April “2022 Dheeho

犀利士 image-232-2.png” alt=”” class=”wp-image-53538″ width=”503″ height=”186″/>

Taliyaal maqaarsaar ah ayaa loo adeegsaday in dabool saaraan dareenka kumanaan Soomaali ah oo iyaga oo careysan ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Muqdisho, markii Xildhibaanada Baarlamaankii uu mursal hogaaminayay ay muddo labo sano ah ugu kordhiyeen Maxamed C/llaahi Farmaajo.12 kii April 2021

Mucaaradka Soomaaliya ayaa isku khilaafsanaa qaabka doorashada ay u dhaceyso Farmaajo kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay u codeeyeen in muddo kordhin loo sameeyo inkastoo waqtigiisa uu si rasmi ah ku egaa yahay 8-da bisha Febraayo.2021 hqdana wali sanad Max b Ku haminayaa in uu dhameeysto 2 dii sano ee laga diiday

Intii aan fadhiga la aadin ayaa farmaajo waxa uu dhaqaale ay bixisay dowlada QATAR uu qaybiyay xidhibaanadii u codeeyay kalfadhiga 12-kii April, kuwaas oo gaarayay 149 ka mid ah 275 mudane

Arintan ayaa ka cadhaysiisay muwaadiniin sidoo kale isugu soo baxay baraha bulshada si ay uga cadhoodaan waxa ay ku tilmaameen qaran dumis dimoqraadiyad ah Cabdirashiid Xaashi ayaa yidhi:

“Farmaajo waxa uu wajahayaa kacdoon ka socda #Muqdisho, mucaaradka xoog kuma aamusi karo, ma jirto ciidan hoos-tagaya beel dareemeysa in la gardaran yahay, dib u heshiisiin ayaa ah xalka kaliya, dib u dhac kasta ama dhiig daata isaga ayaa wiiqaya.”Axmed Cabdullaahi ayaa yiri:

“Muqdisho caawa…Shacabka waxay u taagan yihiin kaligii talisnimada Farmaajo, kacaanku si buuxda ayuu u hirgalay, Farmaajo waqtigiisii ​​waa dhammaaday.Aamina Cabdalla ayaa qortay:facebookeeda xiligaas

“Shacabka Muqdisho oo raxan raxan ugu qaxaya meelo nabdoon halka madaxweynaha sharci-darrada ah iyo qoyskiisa ay magangelyo ku haystaan ​​Ameerika, ilaa intee ayay kuwa aan waxba galabsan iyo kuwa nugul ay ku sii jiri doonaan dhibaatada uu Farmaajo ku sii hayn karo xukunka. “

Shabakadda TUKO.co.ke ayaa baahisay tallaabadii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu kordhiyeen xilliga uu Farmaajo ku jiro dalka qalqalka ku yimid, kadib markii Aqalka Sare uu si deg deg ah u diiday.

Farmaajo iyo madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa bishii Sebtembar gaarey heshiis u gogol xaarayey doorashooyinka dadban ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021-ka.

Balse 59-jirkan ayaa diiday inuu xilka ka tago caasimad darro awgeed, inkastoo ay dadweynuhu dibadbaxyo ka dhigeen Muqdisho, kuwaasoo dibadbaxayaal si nabad-galyo ah ay u toogteen ciidamada dowladda oo aad u hubeysan.

Mareykanka, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, ayaa ku adkeystay inaysan taageeri doonin muddo kororsi kasta.

“Waxaan ku celcelinnay in ay muhiim u tahay nabadda, xasilloonida, barwaaqada, iyo dowladnimada Soomaaliya in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan habka loo marayo hannaanka doorashada,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka xiligaas

Midowga Afrika oo si kulul uga hadlay muddo kordhinta Farmaajo

Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen Farmaajo.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraysa heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.