25-March-2024
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay baaritaanno lagu sameynayo qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee teknoolojiyadda adduunka oo ku saabsan dhaqamada sinnaan la’aanta.
Shirkadda Meta ee leh Facebook, Instagram, whatsapp iyo qaar kale, iyo shirkadaha kale ee Apple, iyo Alphabet oo leh Google, ayaa la eegayaa jebinta suurtagalka ah ee Xeerka Suuqyada Dijitalka ah (DMA) ee la soo bandhigay sannadkii 2022.
Haddii lagu helo in ay jabiyeen sharciyada, shirkaduhu waxay wajihi karaan ganaaxyo waaweyn oo gaaraya ilaa 10% dakhligooda sanadlaha ah.
Madaxa ka hortagga ee midowga Yurub Margrethe Vestager iyo madaxa warshadaha Thierry Breton ayaa ku dhawaaqay baaritaannada Isniintii (25-ka Maarso).
Kaliya lix shirkadood ayaa ayaa hoos yimaada xeerka DMA, laakiin sidoo kale waa shirkadaha tignoolajiyada ugu weyn adduunka, waxayna kala yihiin: Alphabet, Apple, Meta, Amazon, Microsoft iyo ByteDance.
Midkoodna shirkaduhu ma joogaan Yurub – shan ka mid ah waxay joogaan Maraykanka, halka ByteDance ay xarunteedu tahay Beijing.
Saddex ka mid ah ayaa hadda wajahaya su’aalo laba toddobaad uun ka dib markii ay soo gudbiyeen warbixinadooda u hoggaansanaanta, kuwaas oo si taxadar leh loo soo ururin doono.
Waxay ku soo beegantay saddex toddobaad ka dib markii Midowga Yurub uu Apple ku ganaaxay hal dhibic sided bilyan oo Yuuro (£1.8b) ka dib markii ay shirkaddu jabisay shuruucda tartanka ee ku saabsan baahinta muusigga.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa ku eedeeyay shirkadda Apple in ay keligeed maamusho suuqa talefannada casriga ah, tan oo ah dacwad taariikhi ah oo ka dhan ah shirkadda weyn ee teknoolojiyadda oo la soo bandhigay todobaadkii hore.
Afhayeen u hadlay Apple ayaa sheegay in shirkadu ay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonto baaritaanka iyo in ay ku kalsoon yihiin in qorshahoodu uu waafaqsan yahay Xeerka Suuqyada Dijital ah.
Waxay intaa ku dareen in kooxahoodu ay dejiyeen habab kala duwan si ay ugu hoggaansamaan sharciga caanka ah ee Midowga Yurub, iyo sidoo kale ilaalinta gaarka ah iyo ilaalinta amniga isticmaalayaasha Midowga Yurub.
“Intii oo dhan, waxaan muujinnay dabacsanaan iyo ka jawaab celin Guddiga Yurub iyo horumarinta, dhageysiga iyo ku darida jawaab celintooda,” ayay yiraahdeen.
Dhanka kale afhayeen u hadlay Meta ayaa sheegay in isticmaalka shirkadda ee isdiiwaangelinta beddelka xayeysiinta ay tahay “qaab ganacsi oo si wanaagsan loo aasaasay oo dhinacyo badan ah”.
“Waxaan u qaabeynay ku biirinta Xayeysiis la’aan si ay wax uga qabato dhowr waajibaad sharci oo is-daba-joog ah, oo ay ku jirto DMA…waxaan sii wadi doonnaa inaan si hufan ula shaqeyno Guddiga,” ayay yiraahdeen
Faallada shirkadda Google iska leh ee Alphabet eek u aaddan arrinkan ayaa weli la sugayaa.
Shan baaritaan oo kala duwan
Midowga Yurub waxa uu sheegay in uu baari doono shan fal oo kala duwan oo ku saabsan u hogaansami la’aanta shuruucda suuqa dhijitaalka ah ee Midowga Yurub:
Baaritaanka 1-aad iyo 2-aad waa in Apple iyo Alphabet aysan u oggolaan abka in ay si xor ah ula xiriiraan isticmaaleyaashu oo ay qandaraas la galaan
3 – In Apple aysan siinin isticmaalayaasha doorasho ku filan.
4 -In Meta ay si cadaalad darro ah dadka uga codsanayso in ay lacag bixiyaan si ay uga fogaadaan in xogtooda loo isticmaalo xayaysiisyada
5 – In Google ay soo sare marinayso alaabada iyo adeegyada shirkadu leedahay marka google-ka wax laga raadiyo.
Labadan baaritaan ee ugu horreeya waxay khuseeyaan waxa loo yaqaan “anti-steering” – Midowga Yurub-na wuxuu sheegay in ay aaminsan yihiin in shirkaduhu ay ku adkeynayaan ababku in ay u sheegaan dadka isticmaala siyaabaha ay ku bixin karaan wax ka yar adeegyadooda ka baxsan isticmaalka dukaamada app-ka ee lacag-bixinta gaarka ah.
Marka la eego qodobka saddexaad, Midowga Yurub wuxuu sheegay in Apple ay ku qasban tahay in ay u oggolaato isticmaaleyaasha in ay si fudud uga furaan apps-ka aaladahooda, beddelaan goobaha caadiga ah iyo in la siiyo “shaashadaha doorashada” si loogu oggolaado in ay isticmaalaan daalacashada kala duwan ama mareegaha raadinta.
Midowga Yurub ayaa sheegay in birawsarka Apple ee “doorashada shaashadda” uusan dadka siinin doorasho ku filan, waxayna sheegeen in aaladaha qaar, sida Apple Photos, aan gabi ahaanba la tirtiri karin.
Sida laga soo xigtay Ms Vestager, baaritaanku wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad 12 bilood si loo dhammeeyo – inkastoo Mr Breton uu markii dambe caddeeyay in ay qaadan karto wax yar.
Waxaan ka shakisanahay in xalalka la soo jeediyay ee ay soo bandhigeen saddexda shirkadood aysan si buuxda u waafaqsanayn DMA,” ayay tidhi.
“Waxaan hadda baari doonnaa u hoggaansanaanta shirkadaha ee DMA, si aan u hubinno suuqyada dhijitaalka ah ee furan oo lagu tartami karo ee Yurub.”
Shanta kiis ayaa ah kuwo ku wajahan macaamiisha, aadna ula xidhiidha inta badan dadka isticmaala badeecadaha shirkadahan, kuwaas oo wadar ahaan ah balaayiin qof oo adduunka oo dhan.
“Waxaan ka hadlaynaa ilaalinta muwaadiniintayada, iskama fadhiisan karno oo keliya,” ayuu yiri Thierry Breton, oo ka mid ah go’aanka EU-da ee ah in si toos ah wax looga qabto.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta sabab kale oo maskaxda lagu hayo: Doorashooyinka baarlamaanka Yurub waa in la qabto Juun 2024.
Dr Rupprecht Podszun, oo ah maamulaha machadka sharciga tartanka ee Jaamacadda Heinrich Heine ee Dusseldorf, ayaa ku tilmaamay “calaamad xooggan” oo ka timid Midowga Yurub.
Kiisaska ay Komishanku doorteen waxa ay ku dhacayaan udub-dhexaadka moodooyinka ganacsiga, kuwani maaha arrimo aan fogayn oo ay leeyihiin iridaha.
“Dagaallada sharcigu waxay noqon doonaan kuwo kacsan, laakiin waa inaan mar walba maskaxda ku haynaa in Maxkamadda Cadaaladdu ay yeelan doonto do’aanka ugu dambeeya.”