Shiiq aadan madoobe iyo Lafta gareen oo si gaar gaar ah uga hadlay qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marka

27″ July “2022

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyaha degmada Marka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyahii degmada Marka Cabdullahi Cali axmed (Waafow) iyo Dadkii kale ee ku dhintay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilayay Guddoomiyaha Degmada Marka.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow uu ahaa nin qiimo badan islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay Maamulka Koonfur Galebeed Somaliya.

Waxa uu tilmaamay in Gudoomiyaha Gollaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur in geerida ku timid Guddoomiyaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ay aheeyd mid naxdin badan abuurtay, maadaama uu ahaa qof si aad ah looga jeclaa Degaanadda maamulka KGS.

Gudoomiyaha ayaa uga tacsiyeeyay Ehelkiisa, Saaxibadiis, iyo maamulka KGS, geerida Naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyaha Degmada Marka, isagoona Allah uga baryay in uu ka waraabiyo janatul Firdowsa.

Gudoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Waafoow ayaa u geeriyooday qarax miino oo ay Al-shabaab ka fuliyeen Saaka Magaalada Marka, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 qof.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Gudoomiyahii degmada Marka Cabdullahi Cali axmed (Waafow) iyo Dadkii kale ee ku dhintay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilayay Guddoomiyaha Degmada Marka, kaa oo ay sheegteen mas’uuliyadiisa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sheegay in Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow Guddoomiyihii degmada Marka uu ahaa qof mas’uul ah, ka shaqeeya nabadda, Horumarka, iyo Dowladnimadda islamarkaana laf dhabar u ahaa Dadka ku nool Gobolka Shabeellada Hoose.

“Argagixiso Caalami ah ayaa isku miidaamisay nin ahlu naar ah ayaa isku qarxiyay isaga iyo Dadki kale ee mas’uuliyiinta ahaa ee meesha kula dhintay, waxaan leenahay ilaahey ha Unaxariisto,, ayuu yiri Madaxweynaha DKG.

Waxa uu sheegay in ninka isku qarxiyay uu ahaa jaahil lasoo qalday, ayna tahay arintaan mid dhibaato ah oo heeysata guud ahaanba Shacabka Somaaaliyeed.

“Waxaan rabaa in aan guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed, kuwa koofur-galbeed, shacabka Shabeellaha Hoose, maamulka uu masuulka ka ahaa, Ehelkiisa, saxiibadiis iyo caruurtiisa uga tacsiyeeyo geerida ku timid Allah unaxariistee Guddoomiyihii degmada Marka Cabdullahi Cali axmed Waafoow,, ayuu yiri Madaxweynaha DKG

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in waa kasto oo barya ninkii shacabka ugu qiimaha badnaa iyo kii ugu dabarta darnaa ee masaakinka ahaa, shabab aan naxeeyn ay dilaan oo ay maalin kasta dilaan

War qoraal ah oo kasoo baxay Dagaalamayasha Al-Shabaab ayeey ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxii saakay lagu dilay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow.

Al-Shabaab ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay uu ja danbeeyay dilka Gudoomiye Waafoow, iyo 10 kale oo kamiid ahaa Ciidamada Degmada Marka.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho loo soo qaaday dhaawaca in kabadn 12 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ay Al-Shabaab ku dileen Gudoomiyaha magaalada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow.

Leave a Reply