Sidee U Egtahay Putland Ooy Xildhibaanada Dhulbahante Ka Maqan Yihiin?

24- December-2023

Sidee U Egtahay Putland Ooy Xildhibaanada Dhulbahante Ka Maqan Yihiin? Dheeho News Every Day

Puntland oo horey ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay damaca kursi jacaylka Siciid Dani ee doorashooyinka maamulkaasi ayaa qoorta la gashay jahwareer 壯陽藥 kale oo siyaasadeed, markii garaada Dhaqanka SSC ay si cad u sheegeen 17-kii xildhibaan ay ku lahaayeen Puntland in aysan soo xuli doonin, iyo iney ka madax banaan yihiin maamulka putland

Boqor Burhaan oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in go’aanka SSC Khaatumo uusan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka Puntland.

Waxa uu ku baaqay shir deg deg ah oo looga tashanayo aayaha Puntland, isagoo Iismada Dhaqanka ka dalbaday iney kasoo wada qeyb galaan shirkaasi oo kusoo beegmay xilio xasaasi ah oo Puntland ay doorasho isu diyaarineyso.

Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland. Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.” Ayuu yiri Boqor Burhaan.

Isimada Dhaqanka SSC iyo madaxweyne Firdhiye ayaa si cad u sheegay ineysan 17-kii xildhibaan ay ku lahaayeen Puntland ay isaga hareen oo aaney soo xuli doonin, waxeyna shaaciyeen iney ka madax banaan yihiin maamulkaasi.

Arrintan ayaa keentay jahwareer kale oo siyaasadeed, maadaama ay horay Puntland ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

Leave a Reply