10″ July “2021 Muqdisho Radiodalsan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Jugta ilaa iyo lix Madfac ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Hotelka Muna oo u dhow Beerta nabada, isla markaana Kaabiga ku haayo Madaxtooyada
Sidoo kale dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Madaafiicda ku dhaceen agagaarka Iskuulka Raage Ugaas, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyadda dalka iyo halka laga soo tuuray, iyadoona jugtooda laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir
Dowladda ayaan welin ka hadlin weerarka Madaafiicda ahaa, waxaana xusid mudan in falkaan uu kusoo aaday, iyada oo maanta Qarax Is-miidaamiin ah lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka badbaaday, sidoo kalena uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.
Maanta ayay ahayd markii qarax la la eegtay uu ka badbaaday taliyaha booliska gobolka banaadir Jowhar.com
Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weerary gaadiid uu la socday Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay wadada aada dhinaca Xarunta Villa Baydhabo.
Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Taliye Farxaan Qaroole oo bartilmaameedku ahaa uuna wanaagsan yahay, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Sadiiq Doodishe ayaa xaqiijiyay in qaraxa Is-miidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo shacab ah, halka 9 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada, si loogu daaweyo.
Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa Carabka ku dhuftay in marnaba weerarada ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho aysan ka hor istaagi doonin shaqooyinka ay u baahan shacabka iyo kuwa lagu sugayo amniga.
Al-shabaab oo ka hadashay Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay in qaraxa oo Is-miidaamin ay la beegsadeen Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, hayeeshee uu qaraxu ka badbaaday, ayn waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo wadada marayay.
Sidoo kale Jidadka gala magaalada Muqdisho waxa ay u xiran tahay kooxda shabaab “Radiokulmiye
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad saddex gaari oo nooca dhuxusha qaada ah lagu gubay deegaan hoos taga degamadaas.
Baabuurtan ayaa waxaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka degmada Walaweyn waxaana sidoo kale halkaas lagu gubay labo mooto oo iyagana wadadaas maraayey sida uu KNN u sheegay qof goobjooge ah.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay iney baabuurtan ay gubeen kadib markii ay jidka u galeen gaadiidkan dhuxusha usoo waday magaallada Muqdisho.
Wadadaas ayaa malmahan waxaa laga muujinaayay xaalad amni daro taas oo ay dadka shacabka ah iyo gaadiidleyda adeegsada wadadaas cabsi ka muujiyeen, maalin kahor ayaa sidan oo kale la gubay gaari siday dhuxul kaas oo usoo socday Muqdisho.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr mar waxa ay gubeen baabuur magaallada Muqdisho usoo waday