Somalia waxay ku sii jeedaa wadadii sahli lahayd in la helo nidaam garsoor iyo amni , suurta gelin kara isla xisaabtan.

18″ September “2022” Radio Dalsan

Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, haddana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna.

Muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo simanyahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsanyahay in amniga oo kor loo qaado, iyo arrimaha garsoorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Daahfurka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya ee maanta wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’aamada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga .

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1571511483468488705?t=N7DuqQSC8_OVJuHagg84cw&s=19

Si,loo helo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan.

Todobada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Nabadgelinta Soomaaliya wuxuu taageero u fidin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl galayo si ay u tilmaamaan una qodobeeyaan caqabadaha hortaagan in la helo amni iyo garsoor laysku hallayn karo.

Isla markaana ay si wadajir ah usoo jeediyaan xulusho ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan adeeg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaamka amniga iyo garsoorka baahsan.

Warsaxaafadeed

September 17, 2022

Baydhabo, Soomaaliya

Leave a Reply