27-April 2022 –Muqdisho “Sntv
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe
Xasan Cabdi nuur oo ah Musharaxa soo gaaray wareega labaad ee looga guuleeystay gudoomiyanimada baarlamaanka somalia ayaa u hambalyeeyay shiiq aadan madoobe oo ilaa 6 musharax ay kula tartameen doorashada gudoomayanimada baarlamanka oo ahayd mid daah furan
Doorashada gudoonka baarlamaanka ayaa la kulantay caqabado ka imaanayay taliyaha booliska General Xijaar oo isku dayay in uu baajiyo
Hase yeeshee soo laabashadii Raysilwasaaraha ayaa hor istaagtay in laga badbaado gacan ka hadal dhaxmara xildhibaanada doorasho doonka ah iyo booliiska uu wali ku daneeysanayo madaxweynihii hore maxamed cabdulahi farmaajo,
Doorashada ka hor ayaa la arkayay Gddoomiye dhaban cad oo Warbaahinta la hadlaya Isaga oo ugu baaqaya Ciidamada Booliska ee ay adeegsanayaan General xijaarr iyo farmaajo in ay Xildhibaannada ka qaadaan jidgooyooyinka ay u dhigeen si ay goobta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka u soo gaaraan.
Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.
Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.
Door壯陽藥 ashada guddoonka golaha shacabka oo bilaabatay iyo Mursal oo ka haray tartanka
Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa tanaasulay.
Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidaan:
Xasan Cabdinuur 98-cod
Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
Cabdulaahi Black 33-cod
Aadan Saransoor 24-cod
Shariif Cabdalla 13-cod
Cabdirashiid Xidig 6-cod
Xildhibaan Saadaq 5-cod
Hoos ka daawo