February “7 ” 2021 MUQDISHP-
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoona soo dhaweyn loo sameeyay.
Wafdigaan oo ku yimid sida la sheegay laba diyaaradood ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato wafdiga ka socda Mareykanka iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in kulanka oo ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is marin waaga ka taagan doorashada iyo taageerada Mareykanka siiyo Soomaaliya.
Sidoo kale Wararka intaas kusii daraya in kulanka ay ka qeyb geli doonaan Diblomaasiyiin kala duwan oo ka socda dowladda Mareykanka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo la helay.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay xal buuxa ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.