27″ April ” 2022″ Muqdisho”
Qoraalo iska soo horjeeda R/ Rooble ,Farmaajo iyo Wasiirka amniga ” General xijar oo qirtay in uu ku guuldareeystay ilaalinta Amniga doorashada iyo musharaxiinta 犀利士 oo ka digay in la carqaladeeyo doorashada golaha shacabka
R/Wasaare Rooble oo Howlgalka ATMIS ku amray in ay la wareegeen amniga Teendhada Afisyooni
Midoowga musharaxiinta oo ka digay in la carqaladeeyo doorashada golaha shacabka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Murashaxiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay doorashada golaha shacabka ee Beri ka dhici doonto xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
“Waxaan ka digeynaa in la carqaladeeyo Doorashadda Golaha Shacabka, waxaan taagyeereynaa go’aanadda Amni ee R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya soo saaray” ayaa lagu yiri qoraalka.
Musharaxiinta ayaa ugu baaqay ciidamada, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya inaysan ku milmin siyaaaada, islamarkaana arrintaasi ay ka fogaadaan.
‘Wuxuu ugu baaqayaa ciidamada, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliya oo u muuqdo kuwa dhinac la safan, inaysan ku milmin siyaasada”ayaa markale lagu yiri bayaanka ka soo baxay mucaaradka.
Farmaajo oo ka horyimid In Amniga doorashada Ay gacanta ku hayaan howlgalka midowga Afrika ee ATMIS oo R/wasaaraha Rooble amray
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka jawaabay qoraal caawa ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in howlgalka midowga Afrika ee ATMIS aysan u hoggaansamin amar ka soo baxay hal xafiis, islamarkaana aan awood u laheyn inuu farageliyo howlaha golaha shacabka.
Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu bilaabay”markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;
Wasiirka Amniga oo shaqada ka joojiyay General xijar
General Xijaar’Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada golaha shacabka”
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Oo xalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ciidamada Booliska masuul ka aheyn amniga doorashada golaha shacabka ee maanta ka dhacaysa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.
Taliye Xijaar ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka, sabab amni awgeed.
”Ma damaanad qaadi karno Amniga Doorashada maanta dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi,sabab amni darteed.” ayuu yiri Taliye Xijaar.
Sidoo kale Taliyaha aya sheegay in ay muhiim tahay in la xaliyo cabashada ka taagan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya