12-Augs-2023 Dheeho.com
Xubinta 👣Sideen Ku Nimid Halkaan..? Waxay Ku Saabsan Tahay Dowlada Iyo Dadweynaha Oo Isgarabsanaya Kadib Sanooyin Niyad Jab Ah 🔵
In-kabadan 1000 askari iyo gaadiidkoodii dagaalka ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Cadaado, horey Guriceel Iyo Dhuusamareeb ayaa u soo bandhigay Tito intaas ka badan oo ciidamo deegaan ah oo wata hub Iyo gadiid dagaal
Ciidamada ay diyaariyeen dadka deegaanka ayaa ka qeyb-qaadanaya dhammeystirka howlgalka wajiga 1aad ee dagaalka Argagixsada looga xoreynayo deegaanada ay wali kaga dhuumaleysanayaan Galmudug
“Cududa Muujinta dadka deegaan iyo Taageeradooda naf-hurnimada leh waxaa riixaya dareen dowladnimo jeceyl iyo diidamada ficilada guracan ee kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.
Kalsoonida aan la dhaylsan karin ee soo daahirtay ayaa timid wixii ka danbeeyay markii uu hogaanka dalka ku soo laabatay Madaxweyne Xasan shiikh oo soo xushay Raysilwasaare soo dhisay dowlad u heelan inay dadkeeda ka rogto dulinimada
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kasbaday in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan Magaca “Dal-Xorreeye taas oo ka dhalatay Ahmiyada uu siiyay inay dadka soomaaliyeed laga dulqaado heeryada cadowga argagixisada kuwaas oo la haray horumar kasta ooy mudnaayeen inay helaan bulshada deegaanada ay heeystaan.
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hada dhadhamiyay rabitaanka bulsho daalan oo u baahneyd dowlad garabsiisa kadib niyad-jab laga qaaday dowladii Madaxweyne Farmaajo oo hogaankeedii NISA lagu xamanayay in uu jiro xiriir kala dhaxeeyay kooxaha xagjirka ah.
In xoogaga dadweynaha ay dowladooda ka dhinac dagaalamaan ayaa sii hurtay markii dowlada Somalia ay shaatigii diimeed ka siibtay Alshabaab,kadib shirweynihii Culumaa,udiinka ee Muqdisho taas oo kicisay Ololaha ciidmada xooga dalka ay ku xoojiye壯陽藥 en inay wiiqaan Argagixisada Alshabaab oo dhulkeena Somalia isku fidinayay mudo 16 -sano ah
WQ Webmaster Dheeho.com Elmi Osman Farah Boodhari ❗