16 “February” 2023
10 maalmood kadib dhul gariirada ka dhacay Turkiga yo Suuriya ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Gabar da’yar oo nool Iyadoo samatabbixiyeyaashu waxay sidoo kale sii wadaan inay helaan badbaado: wiil dhalinyaro ah ayaa lagu soo badbaadiyay Kahramanmaras ee Turkiga ka dib 248 saacadood oo burburka hoostiisa ah.
Aleyna Olmez oo 17 jir ah ayaa loo duuliyay Ankara galabnimadii Khamiista markii 248 saacadood kadib laga soo saaray burburka hoostiisa ee magaalada Kahramanmaras ooy ku xayirneeyd laga soo bilaabo dhulgariirkii 7.8 magnitude ee ku dhuftay habeennimadii Isniinta ee 6-dii February
Helitaanka maanta ee Aleyna oo nool 10 maalmood dhulgariirka ka dib ayaa rajo galisay qoysaska dadka weli la la’yahay kuwaas oo sugaya war ku saabsan aayah壯陽藥 ooda Iyadoo kooxaha samata-bixinta ay sii wadaan inay helaan dad badbaaday oo burburka ku hoos jira
Malaayiin qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo Iyadoo Magaalada Kahramanmaras ee dalka Turkiga, sawirka labo wiil oo maqan lagu xiray geed ku dhow dabaqyo ay degenaayeen.
“Waalidkood waa ay dhinteen,” ayuu yiri Bayram Nacar oo ka badbaaday dhulgariir, Wuxuuna sheegay in meydka waalidiinta wiilasha ay wali ku hoos jiraan burburka
Ilaa Khamiista, 119 baabuur oo kuwa xamuulka ah ayaa soo maray isgoysyada Bab al-Hawa iyo Bab al-Salam tan iyo markii uu dhulgariirku dhacay, afhayeen u hadlay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa u sheegay Reuters.
Gargaarkan oo ka kooban cunno, dawooyin muhiim ah, teendho iyo agabyo kale oo hoy ah iyo agabyo lagu baaro cudurka daacuunka, iyadoo deegaanka uu weli ka dillaacay cudurka daacuunka.
Britain ayaa Arbacadii sheegtay in ay bixinayso laba shati oo cusub si ay ugu fududaato hay’adaha gargaarka ee gacan ka geysta gurmadka dhulgariirka si ay uga hawlgalaan Suuriya iyada oo aan la jebin cunaqabataynta lala beegsanayo xukuumadda Asad iyo taageerayaasheeda.