Baabuur ay Al-Shabab ka soo direen Jilib oo lagu qabtay Muqdisho

17- July-2023

Ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdish壯陽藥 o ku qabtay gaari laga soo buuxiyey biraha lagu sameeyo baabuurta aysan xabadda karin oo Al-Shabaab ay kasoo direen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. 

Gaarigan oo ahaa nooca UD ama Soomaaliya u taqaano Dhayno, ayaa laba toddobaad kahor lagu qabtay suuqa Bakaaraha, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada NISA ayaa sidoo kale qabtay shan qof oo loo haysto inay gaariga la socdeen. 

Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in gaariga uu agabka saaran usii gudbin lahaa gobollada Galmudug, oo ah meelaha la filayo inuu dagaal xooggan ku dhex-maro ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. 

Qorshaha laga lahaa biraha ayaa ah in lagu sameeyo baabuur bullet proof ah, oo aysan xabadda karin oo Al-Shabaab kadibna ay u adeegsato inay weeraro ku fuliso.

Al-Shabaab ayaa marka ay weerareyso xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada waxay adeegsataa gawaari bullet proof ah, taasi oo u sahleysa inay kontroollada ciidanka xoog ku dhaafaan, islamarkaana rasaasta lagu furo aysan waxba u gaysan, sidaasna ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan.  

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa fulisay weeraro dhimasho badan oo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyo xarumo dowladeed kuna laysay shacab iyo ciidamo badan.