Baarlamaanka Labada Aqal Somalia oo yeelanaya kulan wadajir ah

17- July-2023- Muqdisho

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa qeybinta xeerka qoondada ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Gudd犀利士 oomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji oo soo xirta kulanka ayaa sheegtay in maalinta Arbacada xildhibaanad labada Gole ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan kulan wadajir ah