19-July-2023-
Tan iyo xalay waxaa baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto qabsaday hadal la sheegay inuu dhahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo tibaaxay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.
Wasiirka oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hor sheegay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.
Wasiir Jibriil壯陽藥 oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu yiri:
“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda kuu sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.
Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyd ha igu eedeyn marka talada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah haddaa boos u helo waa siinaa, laakiin qof u dulmin maayo. Haddaa bajad u helo waxaa iska fujinaa kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.”
Hase yeeshee wasiirka ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkaas waxa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri:
“Waxa aan umadda Soomaaliyeed u bayaamiyey hadalkii shalay ee doodda badan dhaliyey, oo aan u caddaynayo in Wasaaradda Ganacsigu tahay hay’ad dawladdeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed isla mar ahaantaana aanay ahayn meel shaqaalaheeda lagu dulmiyo kuwo kalena si reernimo ah loo qorto.”
Wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hadda ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore.
Wasaaraddan ayaa Soomaaliya u qaabilsan dhanka ganacsiga iyo warshadaha.
Horay Jibriil waxa uu xildhibaan soo noqday intii u dhaxaysay 2016 iyo 2022, haddana mar kale ayaa loo doortay inuu xildhibaan noqdo inta u dhaxeysa dhaxeysa 2022-2026.
Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxa uu ahaa Xoghayaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya sida Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxa uu bare ka ahaa Kulliyadda Maamulka Ganacsiga ee Jaamacadda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Wasiir Cabdirashiid ayaa la soo shaqeeyay dallada Towfiiq oo ka qayb ka ah hawlaha samafalka ee diiradda saaraya gargaarka, nabadda, iyo horumarinta Soomaaliya.
Aqoon ahaan Jibriil waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga (Business Management) ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya. Sidoo kale waxa uu shahaada Xisaabta iyo Maamulka ka qaatay machadka ACCA. Waa shakhsi si faseexa ugu hadlo luuqado dhowr ah oo kala ah afafka Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Carabiga.