Muqdisho 4″ka mid ah ms’uuliyiintii loo heeystay lunsashada hantida qaranka oo maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir

20-July-2023-Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si toos ah uguda gashay kiis musuq-maasuq ah oo loo haysto 4 mas’uul oo ka tirsan dowladda dhexe.

Afarta mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, 2-Cumar Macalin Nuur, 3- Saabir Xasan Cabdinuur iyo 4-Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan ka shaqeynayay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar.

Sidoo kale ninkan ayaa waxaa loo haystaa inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed, sida uu shaaciyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu mas’uul ka ahaa.

Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda.

Dhanka kale, qareenadda u doodaya afarta eedeysane oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa iyaguna ka horyimid eedeymaha qaar oo ay tilmaameen inay baalmarsan yihiin sharciga.